Emmanuel Macron: Waa kuma madaxweynahan ka cadheysiiyay malaayiin Muslimiin ah?

0
20
Emmanuel Macron

Waxay hadda u muuqataa in madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, uu wajahayo wejiyada careysan iyo aragtido adag oo kaga imaanaya Dunida Islaamka.

Arrintaas waxay ka dhalatay hadalladiisii dhowaan ee lagu tilmaamay kuwo sii huriyay xasaraddii ka dhalatay sawir-gacmeedka “lagu aflagaadeeyay” Nabi Maxamed NNKH.

Sawirkaas waxaa dhowaan daabacay wargeyska Charlie Hebdo oo markale ku soo celiyay. Madaxweynaha Faransiiska ayaa yiri: “Weligeen kama tageyno in aan sawirno iyo inaan wax ka matalno xitaa haddii dadka qaar ay dib u gurtaan”.

Macron wuxuu hadalkaa jeediyay xilligii aaska loo sameynayay macallimkii la bireeyay ka dib markii ardeydiisa uu tusay sawir lagu sheegay Nabi Maxamed N.N.K.H. Samuel Patty waxaa lagu gowracay wado ka tirsan caasimadda Faransiiska ee Paris.

Macron hadalkii uu jeediyay 21-kii bishan October, wuxuu ka careysiiyay qaar ka mid ah siyaasiyiin iyo shacabka dalal ka mid ah dunida Islaamka.

Sidoo kale waxaa bilowday olole ka socdo baraha bulshada oo lagu diidayo alaabta uu soo saaro Faransiiska.

Taariikhda Macron oo kooban

Wuxuu 21-kii Diseembar 1977-dii ku dhashay magaalada Amiens ee waqooyiga Faransiiska.

Waxa uu heerkiisa koobaad ee waxbarasho kaga qalin jabiyay Jaamacadda Paris Nanterre. Sidoo kale, Sannadkii 2014-kii ayuu heerka labaad kaga baxay Jaamacadda École Nationale D’administration.

Wuxuu ku taqasusay arriamaha dhaqaalaha wuxuuna ka shaqeyn jiray Bangi. Sidoo kale wuxuu lataliyaha dhanka dhaqaalaha u noqday madaxweynihii hore, Francois Hollande. Ka dib sannadkii 2014-kii ayuu noqday wasiirka dhaqaalaha.

In kasta oo uu wasiir ka ahaa xisbigii Hantiwadaagga, haddana bishii Abriil ee sannadkii 2016-kii, wuxuu sameeyay dhaqdhaqaaq siyaasadeed u gaar ah oo loogu magac daray En Marche! oo macnaheedu yahay dhaqaaq!.

Bishii August ee 2016-kii ayuu iska casila xilkii dowladda. Wuxuu xilligaas yiri: “Waa talaabo cusub oo ka mid ah dagaalkayga mashruuc cusub kaasi oo aanan fulin karin anigoo ka tirsan dowladdaa.

Macron waxuu markaasiba ujeedkiisu ahaa inuu u tartamo jagada madaweynaha dalkaas, balse si caadi ah uma uusan shaacin, dad badan ayaana sii fahansanaa ujeedkiisa.

Hase yeeshee markii dambe wuxuu xaqiijiyay in uu yahay musharrax u taagan xilka madaxweynaha dalka Faransiiska wuxuuna billaabay ololihiisii doorashada, horraantii 2017-kii.

Emmanuel Macron

Wareeggii koobaad ee doorashada, ma jirin musharrax ku guuleystay, waxaana wareeggii labaad la qabtay Bishii May, 2017-kii, taas oo Emmanuel Macron uu ku guulaystay wuxuuna helay ku dhawaad 65.5% codadkii la dhiibtay, halka haweeneydii la tartamaysay ee Marine Le Pen, ay heshay ku dhawaad 34.5%.

Macron ayaa sidoo kale noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee tan iyo sannadkii 1958 ka soo baxa xisbi aan ahayn labada xisbi ee ugu waaweyn Faransiiska. Wuxuu sheegay in bog cusub uu u furmay taariikhda dalkaas.

Is qurxinta

Sannadkii 2017-kii, ka dib markii uu noqday madaxweynaha Faransiiska waxaa la shaaciyay in Emmanuel Macron uu qurxinta jirkiisa ku qarash gareeyay lacag ka badan $30 kun oo dollar.

Wargayska todobaadlaha ah ee ka soo baxa Faransiiska ee Le Point ayaa sheegay in lacagtaas uu madaxwaynaha Macron ku qarash gareeyay waxyaabaha lagu qurxiyo jirka, sida wejiga oo loogu soo kireeyay qof ku xeeldheer qurxinta.

Waxaa lagu tilmaamay in uu yahay wiilkii dahabiga ahaa ee Yurub, wuxuuna balanqaaday qaab cusub oo siyaasadeed, waxaana loo arkay in uu yahay rajada ugu wayn ee Faransiiska maadaamaa uu ahaa hoggaamiyihii ugu da’da yaraa ee dalkaasi soo mara.

Balse bishii June, isla sannadkii la doortay, Macron waxa uu lumiyey seddex meelood, hal meel oo ka mid ah taageeradii loo hayay, sida lagu sheegay ra’yi uruurin ay samaysay shirkadda Ifop.

Dadka ku faraxsanaa isaga waxa ay hoos u dhaceen illaa boqolkiiba 40%, halka kuwa aanan ku faraxsanayn ay kor u kaceen illaa boqolkiiba 57%.

Siyaasadda Faransiiska ee caalamka

Madaxweynaha Macron iyo dalkiisuba waxay si xooggan faraha ugula jiraan siyaasadaha Bariga Dhexe iyo Afrika, gaar ahaan dalkii uu horay u gumeystay.

Dadka qaar ee ka faallooda arrimaha madaxda waxay sheegayaan in Emmanuel Macron uu jecelyahay in uu aad u hadlo. Doorashadiisii ka hor waxa uu saacado badan la qaadan jirey wariyeyaasha, isaga oo sidoo kale kulamo aan qorsheynayn la yeelan jirey taageerayaashiisa, taasi oo markii dambe horseedday guushiisii layaabka lahayd.

Balse waxaa la aaminsan yahay inuu sheegay hadallo badan oo dhibaato u keeni kara isaga iyo guud ahaanba Faransiiska. Tusaale ahaan hadalkii ugu dambeeyay ee uu ku taagaray baahinta sawiradda lagu sheegay in laga sameeyay Nabi Maxamed NNKH, waxaa carooday Muslimiin badan, sidoo kalena waxa ka dhashay in waddamo badan oo Muslimiin ah ay qaadacaan alaabaha Faransiiska.

.

Khilaafkan Muslimiinta iyo Emanuel Macron ayaa cirka isku sii shareeray ka dib markii khudbad uu teleefishinka ka jeediyay Erdogan, uu hogaamiyeyaasha caalamka ugu baaqay in ay difaacaan Muslimiinta waa haddii “Faraniiska ay ka dhacaan tacaddiyo ka dhan ah islaamka”.

Erdogan wuxuu si caro leh u dhaleeceeyay hadalka ka soo baxay madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ee ku aadan difaacidda fikradaha cilmaaniga.

Laakiin dowladaha Yurub oo dhan waxay u soo baxeen taageeridda Mr Macron, waxayna cambaareeyeen hadalada Erdogan ee ku saabsan hogaamiyaha Faransiiska.

Sidoo kale, Madaxweynaha Turkiga wuxuu taageero badan ka helay shacabka Muslimiinta caalamka, waxaana dalalka qaar ka dhacay isu soo baxyo looga soo horjeedo haddalladii ugu dambeeyay ee Macron.

Khilaafkii horey u soo jiray

Madaxweynaha Faransiiska wuxuu in muddo ah qeyb ka ahaa dhowr arrimood oo sababay khilaaf iyo muran adag.

Waxaa ka mid ah istiraatiijiyaddiisa cusub ee ka dhanka ah waxa uu ku tilmaamay “go’doominta Islaamka” oo ah mid lagu raadinayo sameynta “hannaan kale oo dhinac socda” oo diidan xeerarka hannaanka jamhuuriyadda iyo habka madaxbannaanida ee bulshada.

Dadka qaar waxay Macron ku eedeynayaan in uu sababay, uu na kiciyay khilaaf. Waxaa arrimahaa ka cadhooday hay’ado Islaami ah, gaar ahaan markii uu ku dhawaaqay istiraatiijiyaddiisa cusub, taas oo ahayd in “Islaamka uu hadda wajahayo khalalaase daafaha caalamka ka jira”.

Sidoo kale dhankooda, taageerayaasha Macron waxay ku difaacayaan in madaxweynaha uusan weerarin Islaamka, balse in qorshihiisa cusub uu ka hortagayo xagjiriinta, uusanna bartilmaameedsaneyn Muslimiinta ama Islaamka.

Waxay sheegayaan in uu bartilmaameedsanayo Muslimiinta aaminsan “fikradaha fog iyo aragtiyada adag”, ee doonaya in ay sameystaan hannaan kale oo ka hor imaanaya qiyamka bulshada iyo xeerarka Jamhuuriyadda Faransiiska”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here