Duqaymihii Sucuudigu Ka Waday Dalka Yemen Oo Lasoo Afjaray Iyo Faahfaahin Laga Bixiyey Sababta Keentay

0
17

Riyaad[Saxil News.com]-Duqaymihii Sucuudigu ka waday Hawada Dalka Yemen, ayaa lasoo gunaanaday Sida uu warbaahinta u xaqiijiyey Afhayeenka Ciidamada Isbaheysiga Sucuudiga Gen.Axmed, waxana uu sheegay in laga lahaa qorshihii Duqaymahaas oo ahaa in la Burburiyo Awoodda Maleeshiyada Xuutiyiinta. Afhayeenku waxa uu hoosta ka xarriiqay in haddii loo baahdo ay Dawladda Sucuuudigu sii wadi doonto Duqaymaha, balse haatan oo bil laga joogo Bilowgii Hawlgalladaas la go’aansaday in lasoo afjaro.

Waxay dowlada Sucuudiga sidoo kale sheegtay inay fursad siin doonto in xal siyaasadeed laga gaadho xaalada cakiran ee ka jirta wadanka Yemen. Dhinaca kale Boqorka dalka Sucuudiga ayaa heegan geliyey ciidamada Difaaca Qaranka oo ah kuwa ugu tababarka fiican dalka Sucuudiga. Hore ayuu Sucuudiga ciidamada militariga caadiga ah iyo hub badan u dhigay xaduuda uu la leeyahay Yemen. Ciidamada Difaaca Qaranka ayaa ah ciidamo ka madax banaan militariga Sucuudiga, waxayna si toos ah u hoos tagaan Boqorka, waana kuwa ugu awooda badan ciidamada dalkaasi. Ciidamada-Jamhuuriga-SucuudigaHeeganka la geliyey ciidamada dhulka ee Sucuudiga ayaa kusoo beegmaysa xili la sheegay in Xuuthiyiinta oo iyagu asal ahaan kasoo jeeda gobalada Waqooyi ee Yemen oo xaduuda laleh Sucuudiga, ay bilaabeen inay hubkooda culus iyo maleeshiyaad badan usoo wareejiyaan dhinaca xaduuda Sucuudiga. Xuuthiyiinta ayaa cududooda ugu badan ka dagaalameysay Koonfurta Yemen oo ay doonayeen inay gacanta ku dhigaan, halkaasi oo ay dagaalo xoogleh kala kulmeen qabaa’ilka sunnida ah oo taageersan Xukuumada la inqilaabay ee Cabdirabuh Mansuur Hadi. Qorshaha Xuuthiyiinta Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta ayaa asbuucyadii lasoo dhaafay dhawr askari oo Sucuudi ah ku dilay xaduuda dalkaasi oo ay madaafiic kusoo tuureen, sidoo kale Sucuudiga ayaa duqeyn madaafiicda la beegsaday tuulooyinka saaran xadka Yemen. Hogaamiyaha Xuuthiyiinta Cabdimalik Al Xuuthi oo todobaadkan markii ugu horeysay ka hadlay duqeynta ayaa sheegay inuu dagaalkan sii socon doono, isla markaana ay kooxdiisa awood ulleedahay inay iska difaacdo Sucuudiga. Waxayna hada u muuqataa in xuuthiyiinta doonayan inay cadaadis dhanka dhulka ah saaraan Sucuudiga iyagoo markii hore ka war wareegayey inay dagaal toos ah ku qaadaan dhulka Sucuudiga. Hogaamiyaha Shiicada dalka Lubnaan ee kooxda Xisbullah oo loo yaqaan Nasrullahi oo Jimcihii lasoo dhaafay isaguna ka hadlay dagaalka Yemen ayaa sheegay in Xuuthiyiinta Yemen ay guusha dhankooda raaci doonto, maadaama muddo ku dhaw bil oo duqeyn ku socotay aanay awoodooda hoos udhicin, isagoo sheegay in Sucuudiga aanu hada heyn xal aan ka heyn inuu joojiyo dagaalka.   Isbaheysiga Sucuudiga Ma cada in hakinta duqeynta cirka ee Sucuudiga la xidhiidho caqabadaha Sucuudiga ka heysta dagaalka ama inay la xidhiidho dhanka xulafadiisa oo qaarkood sheegeen inaanay dagaal dhulka ah la geli doonin Yemen sida dalka Pakistaan oo hore loo filayey inuu ciidamo usoo diro. Dalka Masar ayaa sidoo kale isaguna hada aan soo bandhigin cududii militari ee dhanka dhulka iyadoo dowlada Sudan oo kamid ah isbaheysiga aanay diyaarin ciidamadii la filayey. Madaxweynaha Masar Cabdulfatax Al Sisi oo dhawaan Qaahira shir kula yeeshay Wasiirka Difaaca ee Sucuudiga ayaa shaaciyey in ciidamo kuwa lugta ah dalkiisa u diri doono Sucuudiga si ay dhoolatus militari u wada sameeyaan isbaheysiga la dagaalamaya Xuuthiyiinta, walow aan weli la aqoon wakhtiga dhoolatuskaasi dhici doono. Dowlada Sucuudiga ayaa hada u muuqata inay ku kali tahay dagaalka socda intiisa badan waana mida keentay in Sucuudiga hada xooga saaro adkeynta xuduudiisa xili xuuthiyiinta ay culeys soo saareen dhulka Boqortooyada Sucuudiga. Waxaa intii uu dagaalkan socday iyaguna cududooda militari sii xoogeysatay kooxda Al Qacida oo la wareegtay qaar kamid ah xarumaha shidaalka laga soo saaro ee dalka Yemen, isla markaana ciidamada Yemen ka qabsaday Airporo militari ee degmada Mukalah. Sucuudiga ayaa sidoo kale maskaxda ku haya dhaqaale burburkii ku yimid Maraykanka dagaaladii uu ku qaaday dalalka Ciraaq iyo Afghaanistaan, ayaan dooneyn inuu sii wado dagaal uu kaligii ku qaado wadanka Yemen oo ah dal shacabkiisa wada hubeysan yihiin.

 Saxil News.com
COMMENTS

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here