Dowladda Soomaaliya: “Mudaaharaad hub wata oo dad hubeysan wataan sideeba lama ogolaan karo”

0
18

Muqdisho (Saxilnews.com)-Dawladda Soomaaliya ayaa ku celisay in aanay ogoleyn dibadbaxyo laga dhigo magaalada Muqdisho maalin uun kadib markii xubnaha midowga murashaxiinta ku baaqeen mudaaharaadyo cusub oo ay uga ashtakoonayaan dibu dhaca ku yimid doorashada Soomaaliya iyo inaan wali heshiis buuxa laga gaarin waqtiga ay dhacayso.

Dawladda ayaa ku andacoonaysa inay sidaa u samanayso sidii ay uga hortagi lahayd faafintaan cudurka COVID-19 oo todobaadyadii la soo dhaafay ku soo laba kacleeyay dalka.

Wasiirka amniga Soomaaliya Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in dowladda aysan inaba aqbaleynin in banaanbax lagu qabto Muqdisho arrimo ay kamid yihiin amniga iyo cudurka Karoona dartood.

“Mudaaharaad hub wata oo dad hubeysan wataan sideeba lama ogolaan karo haddii ay dhaceyso arrintaas qiimeyn kale iyo cudurka oo naga yaraado iyo dhibaatada oo yaraato iyo arrinta amni oo yaraato qiimeyn kale bey ku imaan kartaa go’anku waa sidiisii”

Wuxuu intaas ku daray in qabashada banaanbaxa uu sharci darro yahay isla markaana gebi ahaanba ay dowladda mamnuucday.

“Banaanbaxa guud ahaan waa la joojiyay ama ha noqdo mid dowladda lagu taageersanyahay ama ha noqdo mid looga soo horjeedo…banaanbax oo dhan waa sharci darro”

“Cidii sameysana haddey iyada is xilqaantay ma ahe, dowladda uma dirin mana ogola gaar ahaan magaalada caasimadda ah wey kasii duwan tahay gobollada, caasimadda waxaa joogo mas’uuliyiinta dammeyd, waxaa joogo dowladdii waxaa joogo safaaradihii hubka ugu badan baa yaalla” ayuu yiri wasiir Xasan Xundubey oo la hadlayay warbaahinta dowladda.

.

Dhinaca kale, mucaaradka Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aankan ugu dambeeyay ee kasoo baxay dowladda maadama Jimcaha lagu wado in bannaanbax kale ay ku qabtaan magaalada Muqdisho.

Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ka tirsan Midowga Musharraxiinta ayaa BBC u sheegay in bannaanbax uu yahay xaq dastuuri ah isla markaana uu go’aankooda weli sidii yahay ioo ay Jimcaha qaban doonaan banaanbaxa.

Arrintan ayaa imaaneysaa xilli Midowga Murashaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya aay ku baaqeen isu soo baxyo cusub maalinta Jimcaha ee bishan ay ku began tahay 26 kadib markii laga hor istaagay dibadbaxyadii ay dhigayeen Jimcihii la soo dhaafay.

Dawladda ayaa horey u sheegtay in la joojiyay dhamaan isu imaatinnada sababo la xiriira sidii loo xakamayn lahaa cudurka Covid19.

Midowga Murashaxiinta waxa kaloo ay dhaliil u jeediyeen wakiillada beesha caalamka oo ay ku sheegeen inay doonayaan inaanay waxba la soo qaadin shaqaaqooyinkii Muqdisho ka dhacay 19 kii bishan.

Beesha Caalamka ayaa marar badan sheegtay in xal u helidda xiisada ka taagan siyaasadda Soomaaliya ay ku jirto dhameystirka heshiiskii ay madaxda dalka gaareen 17-kii September 2020 ee lagu faahfaahiyay hannaanka doorashada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here