Dowladda oo lagu eedeeyay dilkii howlwadeennadii caafimaad ee Balcad

0
19
.

Odayaal dhaqameed iyo waxgarad kale oo ka socda 8-dii dhalinyarada ahayd ee dhawaan lagu laayay deegaanka Galoley ee Shabeellaha dhexe ayaa kulamo la qaatay mas’uuliyiin ka tirsan laanta dembi baarista dowladda federaalka iyo siyaasiyiin heer gobol iyo heer qaran.

Odayaasha ayaa mas’uuliyiintii ay la kulmeen u sheegay tuhun ay qabaan oo ah in dhalinyaradaasi ay dileen ciidamada dowladda.

Nabadoon Maxamed Cali Madoobe oo ka mid ah odayaashaasi ayaa waxaa uu BBC u sheegay in saraakiisha baaritaanka wadda ay u sheegeen in dowladda ay dishay dhalinyaradaasi.

” Waxaan u sheegnay in nala dilay oo dowladda askar ka tirsan ay tacaddi iyo gabood fal noo geysteen anaga ayaa baareyna ayay nagu yiraahdeen,” ayuu yiri nabaddoon Maxamed.

Nabaddoonka ayaa intaa ku daray in ay tuhunsan yihiin in dilka ay geysteen ciidamo dowladda ee deggan aagga uu dilka ka dhacay.

“Annagga waxaan ku tuhmeynaa ciidamo deggan meesha tuulada ka dhawdahay saraakiisha ciidamada qalabka side qeyb ka mid ah ayaa meesha daggan,” ayuu yiri Nabad-doon Maxamed.

Nabad-doon Maxamed Cali Madoobe oo BBC ay waydiisay waxay ku xaqiijinayaan in dilka ay ka dambeeyeen ciidamada dowladda ayaa sheegay in aysan jirin cid kale oo aagaasi ka dhaw.

Waxaa uu intaa ku daray in goobta uu dilka ka dhacay ay tahay meel ay ku sugan yihiin ciidamada dowladda fedraalka.

 

Nabadoon Maxamed Cali Madoobe oo ka mid ah odayaasha tuulada uu dilka ka dhacay ayaa waxaa uu sheegay in wali ay socdaan baaritaanada iyo kulamada dilka dhalinyaradan laga yeelanayo.

Taliyaha Ciidanka Xoogga SoomaaliyaTaliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya

Dowladda maxay ka tiri eedeeynta?

Dowladda fedaraalka oo lagu eedeeyay in ciidamadeeda ay ka danbeeyaan dilka ayaa iska fogeysay eedeeyntaasi.

Taliyaha ciidamada Milatariga Soomaaliya Jenaraal Odowaa Yuusuf Raage oo ka jawaabaya eedeynta loo jeediyay ayaa beeniyay wararkaasi, waxaana uu sheegay inay baaritaan ku wadaan cidda falkaasi geysatay.

Janaraal Odowaa ayaa dadka ku eedeeyna dilkaasi ciidamada dowladda ku tilmaamay kuwa u adeegaya cadowka.

“Waxaa jiray dad ku eedeeyay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed inay ka dambeeyeen arrintaas, waxaan rabaa markaa inaan iraahdo dadkaasi waa dad aan dhihi karo waxay u adeegayaan cadowga falal noocaasi ahna ma aha falal ka suuragala ciidanka xoogga,” ayuu yiri Janaraal Odowaa.

Taliyaha ciidamada Milatariga Soomaaliya Jenaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada dowladda ay u taagan yihiin u adeegidda shacabka islamarkana aysan ka suuragalin dilalka noocan ah.

“Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed bulshada way u adeegaan laakiin bulshada ma dilaan taasi markaas mar haddii ay yihiin kuwii bulshada u adeegayay, haddii ay yihiin kuwii dhididkooda iyo dhiigooda u daadinayay bulshada Soomaaliyeed uguna jiray howdka ugana soo fogaaday qoysaskooda kama suuragasho qeyb ka mid ah bulshada inay dhibaateeyaan,” ayuu intaa ku daray Janaraal Odowaa.

Janaraal Odowaa ayaa xusay in ay wadaan baaritaan cadaaladana la horkeeni doono dadkii ka dambeeyay dilkaasi.

“Arrintaasi cid allaale iyo cidii ka dambeysay Ilaahey idimkii waxay hor imaani doontaa sharciga waana ka shaqeyn doonaa haddii aan nahay ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayuu yiri Janaraal Odowaa.

Halkeey marayaan baaritaanad?

Dilka oo dhacay 28 bishan ayaa ahaa mid argagax badan ku abuuray bulshada ku dhaqan deegaanka Galoley ee Shabeellaha dhexe.

Dil ka dib ayaa waxaa la soo qaaday meydadka dhalinyaradaasi oo la keenay magaalada Muqdisho si baaritaano loogu sameeyo.

Maamulka Hirshabeele oo tuulada Galoley ay ka tirsan tahay ayaa u saaray guddi ka kooban wasiiro iyo xildhibaano.

Dhanka dowladda fedaraalka ayaa waxay tuulada Galoley ee Shabeellaha dhexe ay u dirtay saraakiil ka socota waaxda dambi baarista ee CID-da.

Waxay dhinacyadan kala duwan la kulmeen odayaasha iyo waxgardka tuulada Galoley si ay u helaan macluumaad ku aadan dilkaasi sida uu u dhacay iyo goobta uu ka dhacay.

Taliyaha ciidamada Milatariga Soomaaliya Jenaraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa sheegay in baaritaanada ay meel wanaagsan marayaan.

Waxaa uu intaa ku daray in ilaa iyo imika baaritaanada ay sameeyeen ay heleen xog hordhac ah oo dilkaasi la xiriira.

“Waxaan haynaa xogag hordhac ah, haddii ay noqon lahayd ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo haddii ay noqon laheyd hey’adaha dowladda ee ku shaqada leh iyo haddii ay noqon lahayd maamulka gobolkaasi si wadajir ah ayay howshaasi gacanta ugula jiraan,” ayuu yiri Jenaraal Odowaa.

Siday wax u dhaceen

Duhurnimadii Arbacadii la soo dhaafay ayay ahayd markii rag hubeysan ay yimaadeen xarun caafimaad oo hay’adda Zamzam Foundation ay ku leedahay deegaanka Gololey ee duleedka magaalada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe.

Raggaasi ayaa markii dambe xaruntaasi ka kaxaystay toddobo ka mid ah halwadeenno caafimaad oo xaruntaasi ka shaqeynayay iyo qof ka mid ah dadka deegaanka, sida ay goobjoogayaal sheegeen.

Maalin ka dib ayaa meydadka siddeeddaasi qof laga helay duleedka deegaanka laga qafaashay.

..

Cumar Jaamac, agaasimaha guud ee hay’addaasi ZamZam Foundation, ayaa BBC-da u sheegay in shaqaalahaasi laga qafaashay xarunta ay ahaayeen wiilal dhallinyaro ah oo ka hawlgalayay xaruntaasi.

“Wiilashan waxay ahaaayeen shaqaale caafiamad oo ka shaqeynayay xarunta oo u shaqeeya hay’adda. Dhibka markii uu dhacayayna waxay ku sugnaayeen xarunta oo ah halka laga kaxeystay. Ciidan lebisan oo wajiyada u xirtay si aan loo garan ayaa xarunta soo galay, dabadeedna kaxeystay,” ayuu yiri Cumar.

Sidoo kale Cumar waxa uu sheegay in ciidamadani ay handadeen dumarkii ku sugnaa xarunta.

“Xaruntu rag iyo dumarba waa ay ka shaqeynayeen, raggii dhallinyarada ahaa ayay kaxeysteen, dumarkii taleefoonnadii ayay ka qaateen waa ay ka tageen. Dabadeetana qof kale oo deegaanka ah ayay horey u kaxaysteen lama garanin meesha ay la aadeen….ugu dambeyn waxaa la helay meydadkii dhallinyaradii dhammaan oo la dilay oo ay ka muuqdaan raasaas.”

Mid ka mid ah hawlwadeenada caafimaad ee la dilay, Axmed Cali oo ku sugan xarunta caafimaadka ee GololeeyMid ka mid ah hawlwadeenada caafimaad ee la dilay, Axmed Cali oo ku sugan xarunta caafimaadka ee Gololeey

Maxay ka shaqeyn jireen raga la dilay

Toddoba ka mid ah sideedda qof ee la dilay waxa ay ahaayeen kalkaaliyayaal caafimaad oo ka hawlgeli jiray xarun caafimaad oo ay maamusho Zamzam Foundation. Magacyada ragga la dilay waxay kala yihiin:

  • Maxamed Cumar Boore
  • Cumar Xuuti Maxamud
  • Nuur Xaaji Gaas
  • Cabdirisaaq Cabdulaahi Xuseen
  • Cabdicasiis Cabdulqaadir Cabdulle.
  • Cali Axmed Cali.
  • Abuukar Muuse Maaxi.
  • Yuusuf Ayuub Cabdullaahi

Xarunta caafimaad ee ay ka shaqeynayeen ayaa bixineysay adeegyo caafimaad sida: Hooyada iyo dhalaanka, sida inay haweenku ku umulaan, dawo iyo nafaqana ka heli jireen dhallaanka.

Waxay sidoo kale xarrunta caafimaad adeeg bilaash ah siisaa dadka waaweyn ee bukaan socodka ah

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here