Dowladda Oo Howlgal ku Dishay Xubno ka Tirsan Al-Shabaab.

0
14

 

 

 

Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku sugan gobolka Hiiraan ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay howlgal qorsheysan ka fuliyeen deegaano ka tirsan Gobolkaas oo ay ku sugnaayeen Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalka sigaar ah uga fuliyeen inta u dhaxaysa Magaalooyinka Buula burte iyo Jalalaqsi, isla markaana ay ku dileen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha Guutada 22-aad ee Taliska qeybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka Gaashaanle Dhexe Maxamuud Xasan Ibraahim ayaa sheegay in Ciidmada Ammaanku ay toogteen 7 Xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab,isla markaana ay deegaannadaas Ciidamada gacanta ku hayaan.

Sidoo kale Taliyaha waxa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in ciidamada ay sii wadi doonaan howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab ee laga fulinayo deegaannada yo degmooyinka Gobolka Hiiraan ilaa laga saarayo Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here