DOWLADDA BRITAIN OO DIIDAY IN AY QABATO XILKA GUDOOMIYANIMADA MIDOWGA YURUB EE SANADAKA DANBE.

0
29
British Interior Minister Theresa May addresses a press conference in central London on June 30, 2016. British interior minister Theresa May announced her bid to succeed Prime Minister David Cameron on Thursday, saying negotiations to leave the European Union should not begin before the end of the year. / AFP PHOTO / FRANTZESCO KANGARISFRANTZESCO KANGARIS/AFP/Getty Images

London (SaxilNews):-  Dowladda Britain oo joojisay iny qabato Xilka Gudoomiyanimada Midowga Yurub ee Dowladda Britain ayaa Sheegtay in ay iska joojisay qabashada Xilka godoomiyenimada Midowga Yurub sanadka danbe Maadaama ay dalkaasi Bishii June ee sanadkaan loo qaaday afti ah in ay ka baxaan Midowga Yurub.

 

Afhayeen u hadlay ra’iisal-wasaaraha Cusub ee Britain Mrs Theresa May ayaa u cadeeyay gudoomiyaha Golaha Yurub Mr Donald Tusk, in dowladda Britain aysan Sanadka danbe Qaban Karin Xilka Guoomiyinada Wuuxuna Mr Donald u mahad Celiyay ra’iisal-wasaaraha go’aankeeda degdega ah wuxuuna U balan Qaday Mrs May in uu kal shaqayn doono Ama la diyaariyin doono waddan kale oo gudoomiyenimada la wareego.

Dhanka kale Bisha July ee sanadka 2017 ka ayaa lagu Waday in Dowladda Britain la wareegto Xilka gudoomiyenimada Midowga Yurub ee lix bil Waxana cad in ay meesha ka baxday dowladda Britain Maadaama ay diiday in ay Qabtaan xilkaasi.

Sidoo kale Gudoomiyaha Golaha Yurub Mr Donald Tusk ayaa dowladda Britain ka balanqaaday inuu ka caawiyo ka bixitaanka Midowga Yurub Maadaama Shacabka reer Brirain ay u codeeyeen in ay ka Baxaan Midowga yurub.

Ugu danbayntii Ra’iisal-wasaaraha Cusub ee Britain Mrs Theresa May ayaa booqanaysa Maalmahaan Magaalooyin Berlin iyo Paris si ay ugu wadahadalaan ka Biixtaanka Midowga Yurub ee dalka Britain iyo sida Ugu macquulsan ay ugu Bixi karto Waxaan Wali Socda Wada Hadala ay Yeelanayaan Madaxdaas Sanadaka Danbe!!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here