Muqdisho(Saxilnews)-Gudida Doorashooyinka Dalka Somaliya ayaa qoraal ay soo saaray waxay ku sheegeen in ay gabi ahaanba hakad galiyeen Doorashadii labada aqal ee Xildhibaanada Beelaha Somaliland matalaayay kuwaasi oo todobaadyadii ugu dambeeyey lagu dooranaayey Magaalada Muqdisho ee Dalka Somaliya.
Joojinta gudida Doorashooyinka Somaliya ayaa waxa ay ku sababeeyeen ka dib markii doorashadii dhacday maalintii Jimcaha ahayd ay halkaasi ka dhaceen is dabarin aad u badan taasi oo lagu doortey afar xildhibaan inkasta oo ilaa iyo haatan lagu muransan yahay qaabkii ay u soo baxeen.
Gudida ayaa sidoo kale sheegay in qaar ka mid ah Madaxdhaqameedkii Somaliland matalaayey ee doorashada ka qayb galaayay iyo ergooyinka qaar ka mid ah la afduubey halka kuwii kalena loo diidey in ay gudaha u galaan xarunta Iskuul Boolisiya ee doorshada gobolada Waqooyi ay ka socdeen isla markaana goobta la keenay ergooyin cusub oo doorta xildhibaanada.
Dhanka kale qaar ka mid ah ergooyinka Somaliland u matalaayay Doorashada ayaa waxay walaac ka muujiyeen qaabka ay wax u socdaan iyagoona mudaharaad la hor tagay xarunta Gudida doorashooyinka Qaranka Somaliya,
Gudida waxay amartey in dib loogu noqdo doorashadii Jimcihi lagu doortey afarta xildhibaan maadaama ay mad madow badan ku jiraan,doorashada Xubnaha aqalka hoose ee Beelaha Somaliland laga siiyey Xildhabaanada Somaliya ayaa tiradoodu dhan tahay 45 xildhibaan iyada oo ilaa iyo haatan la doortey 17 mudane oo kaliya halka aan wali la gaadhin doorashadii aqalka Sare ee Beelaha Somaliland