Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in beri uu hortago Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya, oo uu kala hadli doono muddo kordhintii bartamihii bishan ee labada sano ahayd.
Madaxweynaha oo hadal u jeediyay shacabka, 28-kii bishan Abriil, wuxuu sheegay in Golaha Shacabka uu kula noqonayo arrinta, ka dib khilaaf iyo rabshado ka dhacay Muqdisho oo sababay barakac.
Wuxuu yiri madaxweyne Farmaaji: “Maadaama aan ahay ilaaliyaha Dastuurka, ayna waajib tahay in aan isu dheellitiro heshiiska siyaasadeed ee hore loo gaaray iyo sharcigii u dambeeyay ee Golaha shacabku meel mariyeen, waxaan maalinta Sabtida ah hortagayaa Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya si dalka dib loogu soo celiyo hannaankii doorasho ee ay ku heshiiyeen Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.”
Haddaba, Golaha Shacabka imisa xeer uu meel mariyay baan shaqeyn waayay?
1- Doorasho qof iyo cod ah
Bishii December 2019 – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah. Xildhibaannada ayaa si aqlabiyad leh ugu codeeyay sharcigaas.
Sharcigaas wuxuu dhigayay in doorasho qof iyo cod ah lagu qabto deegaan doorasho-kasta, walow aanay caddayn tirada la oggolyahay in ay codeeyaan.
Madaxweynaha ayuu sharciga qorayaa inay dooran doonaan xubnaha Golaha Shacabka iyo kuwa Aqalka Sare, halka Ra’iisul Wasaaraha uu soo magacaabi doono xisbigii ku guulaysta aqlabiyadda baarlamaanka.
Sharcigan oo loo gudbiyay Aqalka Sare ayaa la meelmariyay bishii February 2020. Balse xeerkan ma uusan dhaqangelin. Ka dibna Xaliimo yarey oo ah Gudoomiyaha Guddiga Doorashada ee Madaxabannaan, ayaa baarlamaanka hor tagtay.
2- Labadii hab doorasho ee Xaliimo Yarey
Dhammaadkii bishii June 2020, Xaliimo Yarey waxay baarlamaanka u soo bandhigtay laba hab doorasho in ay dalka ka qaban karaan.
Waxay xilligaas sheegtay in midkii baarlamaanka uu soo ansixiyay, madaxweynahana saxiixay – ee ahaa qof iyo cod – in uu kharash badan ku baxayo.
Gudoomiye Xaliimo waxay sheegtay in nooca koobaad ee doorashada ay ku qaban karaan 13-bilood gudahood oo ku ekaan lahayd bisha August ee sannadkan 2021.
Nooca labaadna waxay tilmaamtay in ay ku dhammaaneyso illaa bisha March ee 2021 ee sannadkan oo ah bil aanu soo dhaafnay.
Musharrixiinta mucaaradka, xildhibaanno iyo qaar ka mid ah maamul goboleedyada, ayaa ka soo horjeestay xeerkaas oo ku tilmamay in dowladda ay muddo kororsi aan sharci ahayn sameysaneyso.
Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur oo xilligaas la hadlay BBC Somali wuxuu sheegay: “In khudbadda Guddiga Doorashooyinka ay muddo kordhin ku soo idlaanayso horaan u ogayn.”
“Mar haddii mas’uuliyadii loo igmaday ay ka soo bixi waayeen, hal wado ayaa GMDQ u furan, intii ay dalka qalalaase gelin lahaayeen, in ay is casilaan”, ayuu yiri.
Khilaaf cusub iyo dood dheer ka dib, waxaa lagu qasbanaaday in madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada kulmaan oo ka shiraan arrimaha doorashada iyo nooca la qaban karo.
3- Heshiiskii 17-kii September
Ka dib shirar dhowr ah oo kal kala dhacay Dhuusa Mareeb iyo Garowe, waxaa ugu dambeyn la isugu tagay magalada Muqdisho oo lagu saxiixay heshiiskii 17-kii September oo ay u dhammaayeen madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.
Heshiiskaas wuxuu dhigayay in doorasho dadban la qabto, in guddi doorasho oo dhinacyada oo dhan ka socda la soo dhiso iyo in Maamul Goboleed kasta oo qabto doorashada baarlamaanka.
26 bishii September, Baarlamaanka wuxuu ansixiyay heshiiskaas oo noqday sharci, waxaana la filayay in doorashada lagu galo sidaa. Balse khilaafyo hor leh ayaa soo baxay oo caqabad ku noqday dhaqangalka heshiiskaas.
Intii uu socday khilaafka cusub, waxaa lagu baaqay dhowr kullan balse way fashilmeen. Beesha caalamka ayaana bilowday in ay ka digto in la qabto doorasho aan loo dhameyn ama doorashooyiin is barbar socda.
Arrimahaas way sii socdeen illaa uu dhammaaday muddo xileedkii baarlamaanka, bishii December, 2020 iyo muddadii madaxweynaha oo ku ekeyd 8 February 2021.
Dadaallo dheer ka dib, waxaa lagu guuleystay in dhinacyada isku haya siyaasadda doorashada ay ku kulmaan teendhada Afisyooni ee Muqdisho. Balse kullankaas waxba kama soo bixin, dowladda ayaana ku dhawaaqday in uu fashilmay, 7 April 2021.
Madaxdii kale ee maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa beeniyay in shirka uu fashilmay, waxayna dowladda ka dalbadeen in ay ku soo noqoto teendhada si wada hadalka loo sii wado.
4- Muddo kordhinta labada sano
Ka dib, 12-kii April, Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in ay u codeeyeen in hay’adaha dowladda loogu daray muddo laba sano ah, si doorasho qof iyo cod ah ay u dhacdo.
Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isla markiiba soo dhoweeyay sharcigaas, oo abuuray qeylo iyo dhalleeceyn aad u badan oo kaga timid mucaaradka, dowlad goboleedyada qaar iyo beesha caalamka.
In kastoo cambaareyntaas iyo hanjabaado cunna-qabateyn ay jireen, haddana Madaxweyne Farmaajo wuxuu saxiixay sharcigaas isla maalintii la ansixiyay ee 12-kii April.
Waxaa arrintaas si adag uga soo horjeestay musharrixiinta mucaaradka ee Muqdisho ku sugan, waxaana ka dhashay dhaqdhaqaaqyo ciidan. Qaar ka mid ah militariga oo la sheegay in ay ka soo bexeen furimaha dagaalka ayaa galay caasimada, waxaana dhacay dagaal, 25-kii April.
Magaalada ayaa kala xirantay, waxaana bilowday barakac. Sida ay sheegtay Qaramada Midoobey, illaa 100 kun oo qof ayaa ka qaxay Muqdisho, labadii maalmood ee dhaqdhaqaaqa uu jiray.
Ka dib, Ra’iisul Wasaare Roobe, iyo madaxda maamullada Galmudug, Hirshabeelle iyo Koonfur Galbeed ayaa sheegay in aysan taageersaneyn muddo kordhinta, waxayna ku baaqeen doorasho. Waxaa arrintaas daba socday khudbadii madaxweynaha ee uu ku sheegay in arrintaas uu dib ugu celinayo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka.
Haddaba, Markale miyuu Golaha shacabka ka noqon doonaa go’aan uu gaaray? Muxuuse noqon doonaa nooca heshiis ee doorasho lagu gali doono? Waxay kala cadaan doontaa ka dib kullanka la filayo ee beri