Waxaana dhalinyarada sida naloo sheegay muddaba lagu ururinayay magaalada Al-iskandariya,iyada oo dhalirayadaasina ay u badan yihiin dhalinyaro reer Somaliland ah isla markaana u badan dhalinyaro ka timi magaalooyinka Burco,Berbera, Hargeysa iyo Borama.
Mustafe Cali Cismaan oo kamid ah dhalinayaradan loo qorsheeyey inay baxaan habeenka Jimcaha oo aan ka waraysanay qaabka ay u tagayaan,tirada dadka ay ku baxayaan,dadka kaxaynaya iyo waliba qiimaha lacageed ee laga qaaday qofkiiba waxa uu noo sheegay in naakhudiinta doonta wadataa ay u sheegeen inay baxayaan habeenka jimcaha saacadu markay tahay 11 habeenimo isagoona nooga waramaya ayaa waxa uu yidhi.
“Walaal waxaan nahay dhalinyro fara badan walibana reer Somaliland ayaa u badanay,waxa nasoo waheliyaa waa sudaaniyiin,itoobiyaan iyo midhadh masaari ah,waxa raga wata doontu ay noo sheegeen in la baxayo habeenka jimcaha 11 habeenimo,dhlinayrada waxaan ku qiyaasi karaa 400-450 walibana Somali ah,waxaan u badan reer burco io hargeysa,dee raga doonta wataa waa masaari anaga markaa waxa qofkiiba laga qaaday 4500$ (Afar Kun Iyo Shan Boqol Oo Dollar),hada waxaa joogna magaalada al-iskandariya masar waxaan kasoo baxnay dorraad oo nalaga soo qaaday”
Mustafe Cali oo hadalkiisa sii wata aya waxa uu intaa ku daray
“Dumaar haa way nala socdaan laakiin tiradooda ma garanayo way badan yihiin ilaa labaataneeyo way gaadhayaan,waxaaba nala socota hooyo ilme yar sidata oo masar ku dhashay oo somaliyad ah,insah alllah waxaan rajaynaynaa inaan nabad tagno oo aanay waxba na helin hadii alle idmo”Sidaas ayuu yidhi Mustafe.
Gabagabadiina Mustafe ayaa waxa uu noo sheegay inay iyaguna jiraan dad kale oo dhalinayro ah oo iyaguna wax yar ka danbaynaya oo soo baxaya lana wado qaban-qaabadooda.
Si kasteba ha ahaatee dawladaha somalida ayaa iyagu ku fashilmay inay wax ka qabtaan dhalinyaradan nafahooda ku malhakaynaysa badaha iyada oo ay dhawaana ahayd kadib markii doon siday in ka badan 500 oo qof ay ku qarqoontay badda midhitareniyaanka isla markaana ay ku naf waayeen dhalinyaro Somali ah oo koru u dhaafaya 400 oo qof.