Doodii Musharaxiinta Madaxweynaha Somaliya Oo Fashilantay , Internet-Kii Moqdisho Oo La Jaray Iyo Sababta Oo La Ogaadey

0
22

Moqdisho (SAXILNews):- Waxaa maanta lagu waday in magaalada Muqdisho gaarahaan xarunta golaha Shacabka dood loogu qabto Musharaxiinta u taagan Xilka Madaxweynaha Soomaaliya, Dooda ayaana qorshuhu ahaa in si toos ah loo daawado Telefishinada.

Xarunta golaha Shacabka oo dooda ka dhaceysay waxaa ku balansanaa 12-Musharax Madaxweyne in ay ku doodaan si toos ah looga daawdao Telefishinka Dowlada iyo sidoo kale Telefishinada kale ee Madaxa Banaan.

 

Musharaxiinta Madaxweyne qaarkood ayaa ogaaday markii dooda bilaabatay in aan si toos ah loo daawaneyn Telefishinka dooduna ay tahay mid la duubayo, waxa ay sidoo kale Musharaxiinta kasoo horjeesteen in Telefishinka dowlad kaliya doodaasi laga sii daayo .

 

Goobtii Dooda ay ka socotay ayaa isku badashay buuq, waxa ayna Musharaxiinta diideen in Dooda ay galayaan la duubo, waxa ay sidoo kale codsadeen in doodaasi si toos ah looga wada daayo Telefishinada iyo Idaacadaha Madaxa banaan.

Mid kamid ah Musharaxiinta Madaxweyne ayaa Warbaahinta u sheegay in balantii looga baxay ayna filayeen in dooda ay noqoto mid toos ah, waxa uu sidoo kale intaa raaciyay in balantu aheed in Warbaahinda dhan laga wada daawado balse qorshahaasi wax laga badalay.

Guddiga Doorashada Madaxweynaha oo doodan soo qaban qaabiyay ayaa ku guul dareestay in Musharxiinta ku qanciyaan in Dooda aysan toos noqon karin maadaama ay Magaalada ka jirtay Internet la’aan , hasa ahaatee Musharaxiinta ayaa warkaasi iska diiday kana baxay dooda.

Dooda Musharaxiinta oo labo qeyb loo qorsheeyay ayaa qeybta hore waxaa ku doodi lahaa 12-Musharax halka qeybta labaad iyana ku doodi lahaayeen 12-Muharax kale, waxa ayna Musharaxiinta qaarkood qabaan tuhun ku aadan in Internetka maanta ku tala gal looga jaray magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here