Donald Trump sidee taariikhda u xusi doontaa?

0
23
Donald Trump in front of Mount Rushmore

Maanta waa dhammaaneysa muddo-xileedka Donald Trump. Waxay ahayd afar sano oo uu waqtiga is bed beddelayay, sidaas darteed sidee taariikhda u xusi doontaa madaxweynaha?

Waxaa jira waxyaabo badan oo ay tahay in xisaabta lagu daro, sidaas darteed waxaan khubarrada weydiinnay inay kala dhigdhigaan xilliyadii soo maray maamulka Trump.

Jawaabaha dherer ahaan iyo si loo fahmo ayaa loo tifaftiray.

Short presentational grey line

‘Xiriirkii uu la lahaa kooxaha fekradaha gaarka ah aaminsan’

Matthew Continetti wuxuu ka tirsan yahay Machadka American Enterprise, oo diiradda saara horumarka Xisbiga Jamhuuriga iyo dhaqdhaqaaqa asalraaca Mareykanka.

Maxaa ugu weyn oo lagu xusuusan doonaa Trump?

Donald Trump waxaa lagu xusuusan doonaa inuu yahay madaxweynihii ugu horreeyay ee labo jeer xil ka qaadis laga gudbiyo.

Wuxuu dadka ka dherjiyay fekradda ah in doorashada lagu shubtay, wuxuu taageerayaashiisa ugu yeeray Washington si ay uga soo horjeestaan ansixinta doorashada, wuxuu u sheegay in sida keliya ee awood dalkooda ay dib ugu soo ceshan karaan ay tahay; wuuna garab istaagay markii ay weerareen US Capitol, wuxuuna soo fara geliyay shaqada dastuuriga ah ee dowladda.

Iyadoo ay taariikh yahannada wax ka qorayaan maaxtinnimadiisa, waxay ku saleyn doonaan weerarka Kongareeska.

Waxay diiradda saari doonaan xiriirka Trump ee kooxaha midigt-fog, sidii ba’neyd ee uu u maarreeyay dibadbaxyadii uu dhiigga ku daatay ee Charlottesville, sannadkii 2017, kacdoonka xagjirnimada rabshadaha watay ee garabka midig ee intii uu xilka hayay, iyo faafinta fakradaha xagjirnimada ah ee uu dhiirrigeliyay.

2px presentational grey line
2px presentational grey line

Maxaa kale oo ku soo jiitay?

Haddii Donald Trump uu raaci lahaa waddada kuwii ka horreeyay, uuna si sharaf leh oo nabad ku dheehan tahay u qiran lahaa in laga guuleystay, waxaa lagu xusuusan lahaa inuu qalalaase badan abuuray balse uu yahay hoggaamiye shacab.

Trump addresses supporters on the South Lawn

Madaxweyne, kahor xanuunka safmarka ah, xoojiyay dhaqaalaha, dib u qaabeeyay fekerka Mareykanka ee Shiinaha, hoggaamiyeyaasha argagixisada ka saaray goobaha dagaalka, dib u dhisay barnaamijka hawada sare, Maxkamada ugu Sarreysa Mareykanka ku yeeshay aqlabiyad asalraac ah, isla markaana dedejiyay in xilligeeda lagu soo saaro tallaalka Covid-19.

Short presentational grey line

‘Nin isu dhiibay hoggaanka dunida’

Laura Belmonte, waa bare taariikhda iyo maamulkaka dhigya Machadka Virginia Tech, qeybta Farshaxanka iyo Sayniska Bani’aadamka. Waxay ku takhasustay xiriirka dibadda waxayna qortay buugaag ka hadlaya diblomaasiyadda dhaqanka.

Waa maxay waxa ugu weyn ee lagu xusuusan doono Trump?

Isku daygiisii ahaa inuu isu dhiibo hoggaanka caalamka uuna u beddelo sida goob militari. Uma maleynayo in ay taas guuleysatay, balse su’aashu waxay tahay saameynta ay ku yeelatay sumcadda caalamiga ah ee Mareykanka – taasna waa mid muuqata.

Muddadii aan arkay wax aad iiga yaabiya waxay ahayd shirkii jaraa’id ee Vladimir Putin uu ku wehliyay, sannadkii 2018 ee ka dhacay Helsinki, waagaas oo uu la saftay Putin isagoo ka soo horjeestay baaritaankii sirdoonka Mareykanka ay ku hayeen faragelintii Ruushka ee doorashadii 2016-kii.

Donald Trump and Vladimir Putin

Sidoo kale waa wax aad looga xumaado arrimaha uu ku dhaqaaqay Trump, sida ka bixitaankii heshiiska isbedelka cimilada ee Paris iyo heshiiska nukliyeerka Iiraan.

Maxaa kale oo ku soo jiitay?

U sacabba tunkii Trump ee Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, iyo Madaxweynaha Brazil, Jair Bolsonaro, iyo la kulankiisii hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong-un, waxay ka dhigan tahay inuu Mareykanka la xiriirinayo dowlado ka soo horjeeda qiyamka Mareykanka. Waa wax aan filayo inay isaga u gaar tahay.

Arrinta kale waxay tahay inuu Mareykanka ka reebo doorkii muuqday ee xoojinta xuquuqda aadanaha, guud ahaan dunida, iyo wax ka beddelkii warbixinnada sanadlaha ah ee xuquuqda aadanaha isagoo aan ku soo darin mowduucyo badan, sida sinnaanta dadka la isku yiraahdo LGBT, iyo arrimo kale.

Short presentational grey line

‘Dimuqraaddiyadda oo uu qarka u saaray inay wiiqanto’

Kathryn Brownell waxay taariikhda ka dhigtaa Jaamacadda Purdue, oo diiradda saarta xiriirka ka dhaxeeya warbaahinta, siyaasadda iyo dhaqanka guud, isla markaana lagu xoojiyo madaxtinnimada Mareykanka.

Maxaa ugu weyn oo Trump lagu xusuusan doonaa?

Aniga oo si guud u hadlaya: Donald Trump, iyo kuwa taageera ee Xisbiga Jamhuuriga iyo warbaahinat asal raaca ah, waxay dimuqraaddiyadda qarka u saareen inay wiiqanto. Taariikhyahannad ahaan, anigoo darsa xiriirka ka dhaxeeya warbaahinta iyo madaxtinnimada, dhabtii, waa wax lala yaabo sida uu malaayiin qof ugu qanciyay in sheegashooyinkiisa ay run yihiin.

Wixii 6-dii January ka dhacay dhismaha US Capitol waxay isku soo ururineysaa afartii sano ee uu xilka hayay xilligaas oo Madaxweyne Trump uu buunbuuninayay warbixinnada marin habaabinta ah.

Si la mid ah fadeexaddii Watergate iyo sida tobannaan sano ay taariikhda u qabsatay xil ka qaadistii Richard Nixon, uma maleynayo xilligan doorashada kaddib in qiimeyn taariikhi ah lagu sameyn doono madaxtinnimadiisa.

Maxaa kale oo ku soo jiitay?

Markii ugu horreysay ee Kellyanne Conway ayaa maalmo kahor soo bandhigtay “xaqiiqooyin” ku saabsanaa tirada dadkii ka qaybgalay caleemo saarkii Trump iyo Obama, taas oo ahayd arrin lagu murmay.

Madaxdii qarnigii 20-aad waxay adeegsadeen tallaabooyin ay sida ay doonaan ugu fasirtaan siyaasadaha iyo dhacdooyinka ayna u xakameeyaan sida ay warbaahinta uga warranto maamulkooda. Balse xaqiiqda ah in maamulka uu xaq u leeyahay arrintaas way ka gudubtay xadkeeda.

Donald Trump

Trump wuxuu xoogga saaray awoodda baraha bulshada isagoo daah saaray xiriirka u dhaxeeya madadaalada iyo siyaasadda. Waa qaab ay ugu suurto gashay inuu si toos ah oo aan laga fiirsan ula xiriiro taageerayaashiisa.

Franklin Roosevelt, John F Kennedy, iyo Ronald Reagan ayaa sidoo kale adeegsaday warbaahinta cusub iyo dadka caanka ah, si ay toos ugala xiriiraan shacabka, taas ayaana waddada u xaartay Trump.

Short presentational grey line

‘Dib u qaabeynta garsoorka’

Mary Frances Berry, waxay taariikhda Mareykanka iyo fekerka bulshada ka dhigtaa Jaamacadda Pennsylvania, oo diiradda saarta taariikhda sharciga iyo siyaasadda bulshada. Laga soo bilaabo 1980 ilaa 2004, waxay xubin ka ahayd Guddiga Mareykanka ee Xuquuqda Rayidka.

Maxaa ugu weyn oo lagu xusuustaa Trump?

Marka la eego waxa uu ku sameeyay qareennada; Trump ayaa wax ka bedelay arrin muddo fog oo 20 sano jirtay, wuxuu sameeyay sida loo hirgelin doono siyaasadaha – wax micno ah ma sameyneyso wuxuu madaxweyne ama maamul gaar ah soo jeediyo.

Maxkamadaha waxaa maamula Jamhuuriga. Mararka qaar garsoorayaasha ayaa naga yaabiya, balse tan ugu daran, caddeynta taariikhiga ah waxay tahay in ay sameeyaan waxa ay fareyso siyaasaddooda iyo halka ay ka soo jeedaan.

Trump applauds newly sworn in Supreme Court Justice pick Amy Coney Barrett
Qoraalka sawirka,Trump oo u hambalyeynaya garsoorihii ugu dambeeyay ee Maxkamadda ugu Sarreysa Amy Coney Barrett

Maxaa kale oo ku soo jiitay?

Wuxuu taageeray tallaabooyinka caawiyay dad gaar ah oo ka tirsan bulshada madowga ah, sida First Step; cafinta dadka isla hal waqti iyo wax ka beddelka markii ugu horreysay uu ku sameeyay shuruucda qoondeynta ee lacago badan siinayay kuleejyada iyo jaamacadaha ay taariikh ahaan madowgu leeyihiin.

Dhammaan waxyaabahaas wuu isku geeyay, iyo sidoo kale hubinta in ganacsatada madowga ah ay helaan deymihii ay markii hore ku dhibbanaayeen.

Fullinta dhammaan arrimahaas, oo aan arki doonno, waxay qeyb ka yihiin in dhalinyaro badan oo madow ah ay u codeeyaan Trump, si ka balaaran sidii hore. Taasina waxay caawin kartaa xisbiga Jamhuuriga.

Trump ayaa sidoo kale hadallo aan wanaagsaneyn ka sheegay dadka madow iyo kuwa kale ee isku dayay in ay ka dibad baxaan tacaddiyada booliiska.

Short presentational grey line

‘U tartamidda doorashada 2020’

Margaret O’Mara, waxay taariikhda ka bartaa Jaamacadda Washington, oo diiradda saarta taariikhda siyaasadeed iyo dhaqaale ee Mareykanka.

Maxaa ugu weyn oo lagu xusuustaa Trump?

Inuu u tartamay doorasho uu si cad ugu guuleystay Joe Biden.

Waxaa na soo maray wakhtiyo xilka la isku wareejiyay iyadoo aan la isku faraxsaneyn. Herbert Hoover aad ayuu uga xumaa guuldarradiisa, balse wuu ka qeyb galay caleema saarka. Mar walba lama uusan hadli jirin Franklin Roosevelt, balse xil wareejinta ayaa si nabad ah u dhacday.

Maxaa kale oo ku soo jiitay?

Trump waxaa siyaabo kala duwan loogu arkaa inuu yahay qof dadka kale ka duwan, balse mid ka mid ah waxyaabaha u gaarka ah waa inuu ka mid yahay madaxweyneyaasha dhif iyo naadirka ah ee la doortay iyagoo aan hore wax xil ah u soo qaban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here