Donad Trump iyo Joe Biden oo mar kale foodda is daray

0
41

Madaxweynihii hore ee waddanka Mareykanka, Donald Trump, ayaa madaxweynaha haatan dalkaasi ka arrimiya, Joe Biden, waxa uu ku eedeeyay inuu FBI-da u adeegsanayo siyaasiyiinta ay iska soo horjeedaan, waxaana uu ku sifeeyay inuu yahay cadawga Mareykan. Donald Trump, ayaa hadalkiisii ugu horraysay ee uu ka jeediyo meel fagaare ah tan iyo markii hay’adaha Mareykanku galeen gurigiisa ku yaal Florida si ay ula soo wareegaan dikumintiyo sir ah, waxa uu dad isugu soo baxay Pennsylvania u sheegay in xoogga lagu galay gurigiisa ay tahay ku takri-fal awoodeed.

Waxa uu u joogay gobolka si uu ugu ololeeyo laba musharax oo ka tirsan xisbiga Jamhuuriga.

Dr Mehmet Oz oo u tartamaya senate-ka Mareykanka, iyo  Senetarka gobolka Doug Mastriano ayaa ku jira tartanka barasaabka gobolka  Pennsylvania.

Mr Trump, oo 76 jir ah, ayaa qaybta hore ee khudbadiisa oo socotay ku dhawaad ​​laba saacadood, waxa uu ku dhaleeceeyay baaritaanka FBI-da, balse markii dambe waxa uu ku noqday mawduucyo caan ah oo kala ahaa: sheegashadiisa beenta abuurka ee ah in doorashadii 2020 laga xaday.

Madaxwaynihii hore ayaa hadda kala xaajoonaya mas’uuliyiinta federaalka arrinta ku saabsan kaydka dukumentiyada sirta ah ee FBI-da ay la wareegtay bishii hore.

Mas’uuliyiinta dowladda ayaa sheegay in Mr Trump uu si qaldan u qaatay oo u keydiyay dukumiintiyada Aqalka Cad, oo ay ku jiraan qaar sir ah oo la calaamadiyay kuwaas oo gurigiisa Florida ee ku yaalla goobta loo dalxiis tago ee Mar-a-Lago.

Dacwad oogayaasha dowladda Federaalka ayaa hadda sheegaya in laga yaabo in uu hor istaagay baaritaanka lagu hayo dukumentiyada.

Mr Trump ayaa beeniyay inuu wax khalad ah uu sameeyay, wuxuu sheegay in dhammaan dukumeentiyada la caddeeyay isla markaana la geliyay kayd ammaan ah.

Waa markii horreysay oo dambi baaris lagu saameeyo guriga Madaxweyne hore oo Amerikaan ah.

Guriga Trump

XIGASHADA SAWIRKA,EPA-EFE/REX/SHUTTERSTOCK

FBI-da waxay sheegtay in ka badan 20 sanduuq oo ay ka buuxaan walxo kala duwan laga soo qaaday guriga, oo ay ku jiraan sawirro, dokumentiyo gacanta lagu qoray, macluumaad aan la cayimin oo ku saabsan “Madaxweynaha Faransiiska” iyo cafis ah oo lagu qoray magaca Roger Stone oo ay muddo dheer saaxiib ahaayeen Trump.

Sidoo kale guriga Trump waxaa laga soo helay faylal sir ah oo xooggan,  kaydka waxaa ku jiray dokumentiyo saddex qaybood ah iyo walxo saddex qaybood oo ” qarsoodi ah”.

Warqadda baaritaanka ah waxay muujineysaa in wakiilada FBI-du ay eegayeen jebinta suurtagalka ah ee Xeerka Basaasnimada, kaas oo ka dhigaya in sharci-darro ay tahay in la keydiyo ama la gudbiyo macluumaadka ammaanka qaranka ee halista ah.

Wuxuu sharciga mamnuucaya in dokumentiyo laga soo saaro guriga ama in la shaaciyo waxyabaha sirta ah, Waxaa sare sii xogeystay tallaabooyinka ka dhanka ah Trump markii uu xilka hayay.

Dadkii isu soo baxay waxay ahaayeen dhinaciisa markii ay timid arrinta baaritaanka FBI-da.

Gobolkan ayaa taageeray Mr Trump doorashadii 2020, in kasta oo Pennsylvania guud ahaan ay ka baxday gacantiisa oo ay dooratay Mr Biden.

Gail McCloskey, oo ka timid magaalada Altoona, oo ku dhawaad ​​saddex saacadood u jirta goobta , ayaa BBC u sheegtay in ay u malaynayso in weerarka FBI-da ee guriga Trump yahay “mid la soo qorsheeyay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here