Diyaarad Uu la Socday Madaxweynaha Colombia Oo la Rasaaseeyay

0
14

Waxaa la rasaaseeyay diyaarad siday madaxweynaha Colombia xilli ay mareysay meel u dhaw hawada xadka Venezuela.

Madaxweyne Iván Duque ayaa ku wajahnaa gobolka Norte de Santander, waxaana diyaarad la saarnaa wasiirada gaashaandhigga, arrimaha gudaha iyo guddoomiyaha gobolkaas.

Afhayeen u hadlay madaxweynaha ayaa sheegay in cidna aanay waxyeello kasoo gaadhin weerarka.

Madaxweynaha Colombia Iván Duque ayaa dhacdada ku tilmaamay ‘weerar fuleynimo ah’

Wuxuu intaas ku daray in aanay ka nixinin weerarka argagixisada ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here