DIYAARAD NOOCA LOOYA QAAN DRONES-KA OO AY LEEYIHIIN MARAYKANKA OO KUSOO DHACDAY XAFAD KA MIDA MAGALADA MUQDISHO

0
26
A MQ-9 Reaper unmanned aerial vehicle prepares to land after a mission in support of Operation Enduring Freedom in Afghanistan. The Reaper has the ability to carry both precision-guided bombs and air-to-ground missiles. (U.S. Air Force photo/Staff Sgt. Brian Ferguson)

Muqdisho:-(saxilnews.com) Mid ka mid ah dayuuradaha wax basaasa ee aan duuliyaha laheyn, loona yaqaano Drones-ka ayaa ku dhacday degmada Yaaqshiid ee magaalada Muqdisho ee caasimadda dalkaasi aynu jaarka nahay ee Soomaaliya.

A MQ-9 Reaper unmanned aerial vehicle prepares to land after a mission in support of Operation Enduring Freedom in Afghanistan. The Reaper has the ability to carry both precision-guided bombs and air-to-ground missiles. (U.S. Air Force photo/Staff Sgt. Brian Ferguson)

 

Dayuuradan oo ay leeyihiin ciidamada Maraykanka ayaa la sheegay iney howlo basaasnimo ah waday. Goob joogayaal ayaa sheegaya in dayuuradani ku dhacday dhul banaan oo ku yaalla agagaarka xaafada Ceymiska ayna khasaare aan sidaas u buurneyn gaadhsiisay guryo jiingado ka sameysan oo halkaas ku yaalla. Wararku waxay sheegayaan in goobta dayuuradaas ay ku dhacday ay gaareen ciidamada dowladda oo halkaas ka soo qaaday burburka dayuurada. Ma ahan markii ugu horeysay ee dayuurad ka mid ah kuwa basaasa ee aan duuliyaha laheyn ay ku soo dhacdo xaafado ka tirsan Muqdisho.
Ciidamada wax basaasa ee Maraykanka ayaa muddo dheer dalkaasi Soomaaliya isha ku haya gaar ahaan intii ay dalkaasi ka taagnaayeen xaaladaha kooxaha xag-jirka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here