Digreega Oo Shaaciyey Tirada Ay Ka Dileen Ciidamada.Ereteriya Oo La Safatay Dawlada Itobiya Iyo 17 Sarkaal Oo Lagu Eedeyey Khiyaamo Qaran

0
16

Digreega Oo Shaaciyey Tirada Ay Ka Dileen Ciidamada.Ereteriya Oo La
Safatay Dawlada Itobiya Iyo 17 Sarkaal Oo Lagu Eedeyey Khiyaamo Qaran
Guddoomiyaha Xoogagga Tigreega TPLF ee dagaalka qadhaadh kula jira
ciidamada Federaalka Itoobiya Dr. Debretsion Gebre Michael ayaa sheegay in
Deegaankiisa Tigraay ay Jilibka u dhigayaan dagaal xooggan oo uu ku
tilmaamay mid dhantaali doona Midnimada iyo wada Jirka shucuubta itoobiya,
sidoo kalena sheegay in uu dagaalka soo galay Madaxweynaha Eretria
Esayas Afawerk oo uu sheegay in uu dhabar jabin ku hayo ciidamada
Tigreega halka dhinaca kale dawladda Itoobiya sheegtay in ay qabqabteen 17
Askari oo sarsaMichael, Guddoomiyaha kooxda TPLF waxa uu sheegtay in dagaalka ay
khasaare ba’an ugu gaysteen ciidamada Federaalka ah isaga oo xusay in ay
ka dileen ugu yaraan 500 oo askari muddodii uu dagaalku socday hana
qabsadeen hub iyo saanad Milatari oo badan isaga oo sheegay in iyaga
dhincooda ay kaga dhinteen ku dhawaad 100 askari. Balse taa baddalkeeda
Dawladda Itoobiya ayaa sheegtay in ay ku dhawaad 550 askari ka dileen
xoogagga Tigraay walise lama hayo xaqiiqooyin madax bannaan. “Shacabka
Tigreegu waxa ay u dagaalami doonaan xaqooda illaa qofka ugu dambeeyaa
sii noolaanayo. Waxa aanu naqaanaa dagaalka iyo sida xornimo loogu
noolaado oo aan loo noqon kuwo dullaysan. Waxaanu dhammaan difaacan
doonaa dhulkayaga waxaanan ka adkaan doonaa kalidii taliye Abiy Axmed oo
ah nin doonaya in uu dhisto nidaam adag oo isaga u gaar ah. Dagaalku si
weyn ayuu u bilaabmay waxaana soo galay dagaalka Madaxweynaha
Ereteriya. Xagga dambe ayay nagaga soo dhufteen waanan ka adkaanay oo
dib u celinay. Xalku wuxuu ahaa inuu ahaado mid siyaasadeed. Balse hadii uu
noqday qori caaradii annana waa is difaacaynaa waanan guulaysan doonaa
ugu dambayn. Hadda waxaa jira dagaal xoog leh oo jilbaha dhulka la isu
dhigay. Waxaan sameyn doonaa wax alla wixii ay rabaan Abiy iy kooxdiisu.
Shacabka Tigreegu uma sujuudi karo kuwa kusoo duulay. Taariikhdu waa
markhaati. Xoog kusoo duulay ma jilcin karo shacabka Tigreega gudo iyo
dibadba. Tan waxaa lagu celin doonaa ficil ahaan. Hadda kooxda Abiy iyo
Esayas waxay weerarayaan dadka Tigray” ayuu yidhi Guddoomiyaha Kooxda
TPLF Dr. Debretsion Gebre Michael, Guddoomiyaha. Dhinaca kale dawladda
Federaalka Itoobiya ayaa shaacisay in ay qabqabteen 17 Askari oo u badan
saraakiil sare oo Milatari oo ay ku eedeeyeen hawlo basaasnimo, hub ay u
gudbinayeen Tigreega iyo khadka Isgaadhsiinta oo ay ka khalkhal galiyeen
ciidamada. Warbixin ay dawladda Itoobiya ka soo saartay xaaladda ciidankan
la qabqabtay oo wargeyska Foore idiin soo turjumay ayaa waxa ay ku tidhi
sidan: “Waxay ku kaceen khiyaano qaran iyagoo abuuray xaalad u wanaagsan
TPLF kadib markay jareen nidaamyadii isgaarsiinta ee u dhaxeeyay taliska
waqooyiga iyo kan dhexe, ayuu yidhi Komishanka Booliska Federaalka. Iyagoo
iska dhaafaya masuuliyaddii ay u hayeen dowladda, shacabka itoobiya iyo
ciidanka difaaca, waxay ku biireen shirqoolka kooxda TPLF iyagoo banaanka
soo dhigay sirtii ciidanka difaaca si ay u weeraraan. Eedaysanayaashan 17-ka
sarkaal ah ayaa la sheegay in uu ku jiro Majer Generaal Gebremedihn Fekadu,
oo lagu naanayso ‘Wedi Necho’ kaasi oo la qabtay ka dib hawlgalkii wadajirka
ahaa ee ay qaadeen ciidanka difaaca iyo kuwa bilayska federaalka Itoobiya.
Eedaysanaha koowaad ayay warbixintani ku sheegtay Major General
Gebremedihn kaasi oo gacanta loogu soo dhigay qaar gacan ka hadal ah
isagoo isku dayay in uu la dagaalamo kooxdii ciidanka ahayd ee soo
qabanaysay waxaana la sheegay in uu qorshaynayay in uu Gobolka Tigraay u
diro 11 sanduuq oo ay ka buuxaan walxaha qarxa iyo gantaallo gaar ahaan
garnayllada garabka laga tuuro si uu ugu xoojiyo ciidamada Maamul
Goboleedka Tigraay ee TPLF isaga oo ku hagayay ama u marsiinayay
isgaadhsiintan uu gacanta ku hayay ee ciidanka” ayaa lagu yidhi warbixinta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here