Dibadbaxyo ballaaran oo ka dhacay Iiraan

0
25
Waa Iiraaniyiin ka dibadbaxayaan sicir barar ka taagan magaalada Mashhad
Image captionWaa Iiraaniyiin ka dibadbaxayaan sicir barar ka taagan magaalada Mashhad

Dibadbaxyo ballaaran oo loogaga soo horjeedo dowladda Iiraan oo Khamiistii ka bilowday hal magaalo ayaa haatan ku fiday magaalooyinka waa weyn ee dalka.

Tiro badan ayaa lagu soo warramayaa inay isugu soo baxday magaalada Rasht ee waqooyiga ku taal, iyo Kermanshah oo galbeedka dhacda, halka dibadbaxayaal aan sidaa u badneyn ay isugu soo baxeen magaalooyinka Isfahan, Hamadan iyo kuwa kale.

Dibadbaxyada ayaa waxaa kiciyay sicir bararka hasayeeshee markii dambe waxa ay isku badaleen caro guud oo laga muujiyay maamulka wadaadada gacanta ugu jira iyo siyaasadaha dowladda.

Tiro dad ah oo aan sidaa u badneyd ayaa waxaa lagu xiray magaalada Tehran ee caasimadda ah, oo waxa ay ka mid ahaayeen koox 50 qof gaaraysa oo isugu soo baxay fagaaraha magaalada, sidaas waxaa wakaallada wararka ee Iiraan u sheegay kuxigeenka maayirka magaalada Tehran ee dhinaca ammaanka.

Maayirka guud ee magaalada Tehran ayaa goor hore waxa uu sheegay in isu soo bax noocaas ah oo kale ay boolisku wax ka qaban doonaan kuwaas oo la siiyay amarkii ay xaaladda ku dejin lahaayeen.

Dibadbaxayaasha ayaa lagu soo warramayaa inay ku qeylinayeen erayo ay ka mid yihiin “Dadku waa ay tuugsanayaan, wadaadaduna sidii Allaah ayey u dhaqmayaan”. Dibadbaxyo ayaa sidoo kale waxaa lagu qabtay magaalada Qom ee barakaysan ee ay deggan yihiin wadaado awood badan leh

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here