Hargeysa (SAXILNEWS)_Waxaa immika si rasmiya loogu dhawaaqay musharrax ku-xigeenka jagada madaxweyne ee xisbiga KULMIYE, waxaa si rasmiya ugu guuleystay Madaxweyne Ku-Xigeenka Somaliland Md.Cabdiraxmaan Cabdilllaahi Ismaaciil Saylici
Cabdiraxmaan Saylici ayaa waxaa kula tartamayey jagada madaxweyne Ku-xigeen Ee xisbiga KULMIYE Dr.Saleebaan Ciise Xaglo-Toosiye, oo ah wasiirka caafimaadka Somaliland.
Tirada cododka Cabdiraxmaan Saylici helay
230 xubnood ayaa ogolaadey
Tirada cododka Dr.Xaglo-Toosiye helay.
114 xubnood ayaa ogolaadey
Dhinaca kale waxaa aamusey 21 xubnood oo aan wax cod ah dhiiban. Dr.Xaglotoosiye oo goobta ka hadlay ayaa u hambalyeeyey guusha saylici.
MAXAMED ILKACASE
OFFICE/HARGEISA