DHIBTA IYO DHEEFTA ADEEGGA ZAAD ” TELESOM MAXAA LAGA DHAXLAY!

0
44

Hargaysa (Saxilnews.com)-Tan iyo intii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya waxay saamayn wayn ku yeelatay qaab nololeedkii bulshada.

Sikasta iyo sababkasta ha u dhacdo ee waxa la dumay nidaamkii dawladnimo, dhaqandhaqaalihii ummadnimo, sharciyaddii, isku duubnidii iyo nabad kuwada noolaanshihii.

silica iyo saxariirka, barakaca iyo baaya hoofka, qaraxa baaruudda iyo qaxoonti raadinta, eridhabanka iyo naf lacararka bilaa sahayda ah ka sokow waxa qiima dhacay magacii iyo sharaftii qofka Soomaaliga ah.

Intaa ka dib waxa ummadda afduubay shirkado iyo shakhsiyaad calooshooda u shaqaystayaal ah iyagoo ka faa iidaysanaya baylahda waxay hantiyee ilihii dhaqaalaha islamarkaana waxay kooto u xidheen naaskastoo irmaanaa, waxay gaar u yeesheen wax la wada lahaa, way yeesheen, iska yeesheen waabay isasiyeen immika iyagaa iska leh.

Kumay eekaan intaas oo kaliya balse waxay ugudbeen shilimaadkii faraqa dadka danyarta ah ku jiray,  way uruursanyaa waxay u uruursanayaa qaab cilmiyaysan oo aan dadku hore ufahmi Karin, dadku faraqyada iyo jeebadaha gacanta iyay galinayaa iyaga ayaa hantidooda dhiibaya, si fudud ayaa lacagta looga xeraynayaa oo xadaaradaysan.

Wax cusub may hindisin dunidana kumay soo kordhin, mana hindisi karaan, kumana soo kordhin karaan sida ay iyaguba aaminsanyihiin balse waxa ay keenaan hadba adeegyo ay soodheegteen oo haddii sida a tahay loogu shaqeeyo waxtar leh, balse ay ujeedooyin gaar ah u sitaan, waxay rabaan In ay dinida dabasocdaan lama jaanqaadikaraan ee waxay rabaan in ay kasoo tuugaystaan oo ku kutuugaystaan dadka waxay soo tuugaysteen.

Tusaale ahaan adeegga ZAAD wuxu kamid yahay meelaha khatar badan ee lagu wiiqi karo dhaqaalaha ummudda. Haddaba si aynu ufahanno adeegga waxaynu baahannahay in aynu wax ka ogaano qaabka uu uga shaqeeyo dunida kale gaar ahaan haddii aynu Afrika ku horayno.

 

Shirkadaha Safaricom iyo Vodacom oo iskaashanaya ayaa adeegga M-pesa ka hirgaliyay dalalka Kinya iyo Tansania.

M-pesa ( Mobile) Pesa(lacag) Swahili :-  waa adeeg lagu isticmaalo Mobilka gacanta oo fududaynaya kaydin, diris iyo waxkala iibsiga.

Sannadkii 2010 kii waxa uu si xoog leh ugu fiday suuqyada bariga Afrika.

Sannadkii 2012 M-pesa dalka Kinya oo kaliya waxa la diiwaan galiyay 17Million oo dadka reer Kinya ah.

Dhinaca Tansania Ururka Intetnational finance cooperation oo ka diyaariyay warbixin uu ku eegayo habsami u socod M-pesa waxay xustay in muddo kooban ay ku kasban doonaan kalsoonida shacabka reer Tansania, waxa kale oo isla warbixintaas lagu xusay in adeeggani door wayn kuyeelandoono suuqyada dalkaasi.

Sannadkii 2008 shirkadda Vodacom waxa ay xidhiidh la samaysay dhiggeeda Roshan ee dalka Afghanistan.

Sannadkii 2010 Vodacom waxay heshiis la saxeexatay (Nedbank) oo kamid bangiyada ugu waawayn dalka South Afrika.

Vodacom waxay sidaas oo kale heshiis ula gashay ( ICIC Bank) ee dalka India November  2011.

dalalka labadii sanno ee ugu danbeeyay ay gaadheen waxa kamid ah bariga yurub, musambique, Lesotho, Masar iyo Albania.

Adeegga Zaad waxa laga soo dheegtay qaabka ay ushaqeeyaan M-pesa iyo kuwa lamidka ah, balse waxa kala duwan nidaamka sharci ee ay  dalalkaas uga shaqeeyaan iyo qaabka ay halkan Zaad uga shaqayso.

  1. Shirkadahaas aynu soo sheegnay waxay ku shaqeeyaan nidaam Standard ah (caalami ah).
  2. Dawladaha dunida ee adeeggani ka shaqeeyaa waxay shirkadahaas kala wareegaan hanti ubadan maguurto waa dammaanad haddii ay dhibaato dhacdo dadka lacagtoodii loogu celin karo
  3. Dawladahaasi way kawarqabaan inta number ee account ka ugu jirta shirkadahaas millions & billions .Cash in bank iyo cash in hand.
  4. Waxay si gaar ah ula socdaan dhaqdhaqaaqyada shirkadahaas iyaga oo ilaalinaya hantida ummadda ay mas’uulka kayihiin.

 

Haddii aad iswaydiiso yaa ka mas’uul ah ZAAD?.

Yaa laxisaabtama?

Miyaa laga hayaa dammaanad?

Xog intee le eg ayay dawladdu ka haysataa adeegga Zaad?

Dawladdu ma leedahay aqoon iyo awood ay kula socoto dhaqdhaqaaqyada adeegga?

Haddii ay jawaabtu tahay maya. Siday dawladdu ugu aamintay shirkado gaar looleeyahay  hantida shacabka danyarta ah.

 

Lasoco qaybaha danbe:———-

 

Maqaalkan oo dhamaystiran  loguna tarjumay English waxa aad kaga bogan kartaa todobaadka danbe Mareegaha Aljazeera, the Guardian, New York Times iyo Gulfnews.com

W/Q: Axmed Cabdilcasiis Xaaji Maxamed

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here