DHIBAATO: Mohamed Salah Oo Laga Yaabo Inuu Ganaax Ku Seego Kulamada Arsenal & Manchester City – Maxaa Lagu Heystaa?

0
28

Weeraryahanka Liverpool Mohamed Salah ayaa laga yaabaa inuu ganaax kala kulmo xiriirka FA-ga isla markaana uu seego kulamada waaweyn ee Arsenal & Man City kadib markii lagu tuhmay inuu garsooraha khiyaamay kulankii Newcastle United.

Salah ayaa dhulka ku dhacay daqiiqadii 47-aad ee ciyaarta kulankii ay 4-0 ku dileen Newcastle Utd kadib markii daafaca kooxdaas Paul Dummett uu gacanta bidix ka taabtay, waxeyna taas dhalisay in la hadal hayo ganaax uu la kulmo xiddigaan reer Egypt.

Salah ayaa dhaliyay goolkiisii 12-aad ee Premier League markii uu dhameystiray rigooradii lagu abaalmariyay, waxeyna sidoo kale guushaas ka saaciday Reds iney lix dhibcood ku qabato hogaanka horyaalka.

Sida lagu qoray warbaahinta Ingiriiska xeer beegtida xiriirka kubada cagta Ingiriiska ayaa kulmaya maanta (Khamiis), waxeyna qiimeyn doonaan hadii garsoore Graham Scott la khiyaamay kulankii ka dhacay Anfield.

Tababare Rafael Benitez ayaa loo arkaa inuu yahay qofka ugu weyn ee dhaliyay in laga shakiyo ficilka kadib markii uu sheegay iney rigoorada aheyd mid daciif ah: “Rigoore jilicsan ayaa wax walba badalay, hadda waa inaan sharraxo sababta afar gool shabaqeena loogu shubay”

Xeer beegtida waxey ka kooban tahay garsoore hore, tababare hore iyo ciyaartoy hore, waxaana la qiimeyn doonaa muuqaalada kulanka iyadoo Liverpool ay dhibaato baahsan ku noqon karto hadii xiddigeeda ugu sarreeya uu ka maqnaado labada kulan ee kusoo fool leh.

26-jirkaan reer Egypt waxaa la ganaaxi doonaa laba kulan hadii dambiga lagu helo, sidaas darteed wuxuu seegi doonaa kulamada Manchester City & Arsenal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here