Dhibaatada corona: Sida Afrika ay u xalisay dhibaatada cudurka Covid-19

0
18
The BBC's Antonia Howard tests out a hands-free, foot-operated tap in Sierra Leone

Qaaradda Afrika si xun ugama dhicin ‘saamaynta cudurka coronavirus’ sida dalalka kale ee adduunka, balse kiisaska cusub maalin kasta kor ayey u kacayaan, dawladuhuna waxay soo saareen tillaabooyin bulshada lagu farayo in ay kala fogaadaan.

In kasta oo aafadu u daran tahay ganacsiga, haddana qaar ka mid ah ganacsatada Afrikaanka ah waxay u dhaqaaqeen inay qayb ka noqdaan xalka waxayna arkayaan fursado cusub.

In si joogto ah loogu farxasho saabuun iyo biyo diiran ayaa ah mid ka mid ah qaababka ugu waxtarka badan ee looga hortago faafitaanka cudurrada safmarka ah.

Laakiin sida laga soo xigtay hay’adaha Gargaarka Biyaha, afar ka mid ah 10-kii qof ee dunida ku nool ayaan helin tasiilaadka gacmo-dhaqashada ee aasaasiga ah.

Mid ka mid ah siyaabaha uu cudurka coronavirus ku faafo waa iyada oo la marayo meelaha wasakhda ah.

Caadeysiga gacmo dhaqista joogtada ah waxay ka hortagi kartaa caacudurka, laakiin fayrasku wali wuu faafi karaa, iyadoo dadku ay u muuqdaan inay taabtaan tuubbada iyo waxyaabaha kale ee ku xeeran.

Magaalooyiinka qaar, sida Freetown oo ku taal Sierra Leone, dad tiradooda lagu qiyaasay 2 milyan oo qof ayaa haysta biyo-siin ku habboon in loo isticmaalo wax aan ka badnayn 800,000 oo qof, sida laga soo xigtay hay’adda caalamiga ah ee la-talinta horumarinta adduunka ee IMC.

Biyuhu markii horeba way yaraayeen, haddana gacmo-dhaqashada ayaa lagu sii dhameeyay.

Si loo xalliyo dhibaatadan, hal ganacsi ayaa soo saaray waxyaabo la qaadi karo oo gacanta lagu qaadan karo oo hadda la dhigo hareeraha dukaamada, bangiyada iyo dhismayaasha dowladda.

A Finic engineer builds a machine part in Sierra Leone
Image captionShirkadda Finic oo Sierra Leone ka jirtawaxay aalaaba sameysaa qalabka beeraha, hadana waxay soo saartaa agabka farxalka.

Xarunta Wershadaha Fomel iyo Warshadaha Qaranka (FINIC), waxay soo saaraan qalabka wax lagu karsado, kuwa beeraha iyo mashiinno kale.

Laakiin hadda shirkadda, oo uu aasaasay Melvin Foday Kamara, waxay soo saareysaa tubbada farxalka oo la qaadi karo taas oo bilaash ah oo ay ku shaqeyso lugta si biyaha ay u soo baxaan, waxayna leedahay meel saabuunta looga shubo iyo meel biyaha lagu shubo.

Helitaanka biyo nadiif ah

Biyaha nadiifka ah ayaa sidoo kale gabaabsi ku ah caasimadda Zimbabwe ee Harare. dadka deegaanka waxay BBC u sheegeen in ay hadda ku gacmaha ku dhaqdaan biyo iyo shaambo, maadaama aysan awoodin inay iibsadaan dareeraha gacmo-nadiifiyaha ah.

“Meesha aan ku noolahay waxaa aad ugu yar biyaha socda, sidaa darteed runtii waa in aan haysannaa baaldi biyo ah si ay noogu fududaato inaan gacmaha dhaqno,” Wadzanayi Musasa ayaa sidaas yiri.

Clean City distributing water to Harare's neighbourhoods to aid hand washing
Image captionShirkadda Clean City oo biyo siineysa xaafadaha magaalada Harare, si farxalka loo badiyo.

“Markii aan ka soo baxno dukaamada, waxaan is saarnaa gacmo-gashiga ka dibna saabuun iyo biyo ayaan ku farxalanaa.”

Shirkadda ka shaqeysa Maareynta qashinka iyo bixinta biyo nadiif ah ayaa hadda u qeybineysa biyo xaafadaha Harare iyo aagagga ganacsiga ee gawaarida xamuulka, si ay shacabka u soo uruuriyaan baaldiyo dheeri ah oo biyo ah si loo hubiyo in heerarka nadaafadda la ilaaliyo inta lagu gudo jiro bandowga.

Shirkaddu waxaala saasaasay 2018, ka dib laba canuun daacuun ah oo daran oo soo maray Zimbabwe sannadihii 2008 iyo 2018. Shirkadda ayaa sheegtay inay ogaatay in wax la qabtay si looga hortago faafitaanka cudurada safmarka ah.

Marka la barbardhigo dadka ku nool waddamada hodanka ah, iyo shucuubta wadamada soo koraya, waxaa soo bexeysa in dalalka hadda soo koraya in ay wasaq badan ay saameysay oo aan la maamuli karin, kaas oo khatar gelinaya caafimaadka aadanaha iyo deegaanka labaduba.

In ka badan 90% qashinka waddamada soo koraya ayaa ku dhaca meelo qashin-qubka, sida lagu sheegay xogta laga soo xigtay Barnaamijka Deegaanka ee Qaramada Midoobay.

Maalin kasta, Shirkadda Clean City waxay sidoo kale bixisaa adeegyo jeermis dile ah oo guud ahaan Harare la gaarsiiyo, oo lagu dalban karo isticmaalka mobiilka.

Gafuur xir casri ah oo aaladda 3D lagu sameeyo

Hal tusaale, warshadaha ayaa sare u qaaday wax soo saarka daabacadda 3D – shirkadaha teknolojiyad, jaamacadaha iyo shirkadaha daabacaadda ayaa gacan ka geysanaya jawaabta la xiriira yaraanta qalabka caafimaadka iyo qalabka kale ee culus ee isbitaallada u baahan yihiin.

Mayamiko Nkoloma designing a mask using CAD software
Image captionMayamiko Nkoloma oo naqshadeynaya gafuur xir isagoo adeegsanaya barnaamijka Software-ka ee CAD.

Malawi waxaa soo foodsaaray shaqaalo yari aad u daran ee PPE intii lagu guda jiray bandowga uu sababay coronavirus.

Shaqaale yaraanta ayaa u sabab ah kharashaadka soo iibsashada qalabka, iyo sidoo kale carqalad uu sababay masiibada ku dhacday sahayda adduunka.

Shirkada teknoolojiyadda ee ku saleysan Blantyre iMoSyS waa mid ka mid ah shirkadaha hadda adeegsanaya barnaamijyadooda 3D iyo kumbuyuutarrada ay ku shaqeeyaan ee loo yaqaan (CAD) si loo naqshadeeyo gafuur-xirka wajiga iyo gaashaanka wejiga ee shaqaalaha daryeelka caafimaadka.

Caadi ahaan shirkaddu waxay diiradda saareysaa bixinta adeegyada casriga ah ee kumbuyuutarada ee IT-ga iyo injineernimada si ay awood ugu siiso kormeerka fog ee geedi socodka warshadaha, kaabayaasha iyo caafimaadka bukaanka.

Ganacsade Mayamiko Nkoloma, oo ah madaxa fulinta ee hay’adda iMoSyS, ayaa sheegay in shirkaddiisu ay codsiyo badan ka heshay guud ahaan qaaradda Afrika, laakiin sidoo kale ay ka timid waddamada dibadda oo uu ku jiro Ingiriiska.

“Wax walbo waa macquul. Waxaan ku bilownay fikir oo keliya, laakiin waxaan ku meelmarineynaa warshadaha, waxaanan u diyaarinay sidii aan u xallin lahayn caqabadaha,” BBC ayuu sidaasi u sheegay.

Melvin Foday Kamara
Image captionMelvin Foday Kamara,Waa ganacsadaha aasaasay Finic

“Siduu u xun yahay coronavirus-ku, waxay fursad u siisay hoggaamiyeyaal badan oo ganacsi iyo kuwa dowladda ku jira inay dib uga fakaraan,” ayuu yiri Mr Karama.

“Waa muhiim in aan ka faa’iideysano hal abuurnimada… waa muhiim in Afrika ay bartaan wax soo saarka, iyo in aan la soo gelin wax walba.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here