Dhaq-Dhaqaaqa Iyo U Diyaar Garowga Maalmaha Ciidal Fidriga  Oo Si Xawli Ah Looga Dareemayo Caasimada Hargeysa Iyo Saxmada Suuqyada Caasimada Oo Sababay In Cadhiidhi Uu Galo Isku Socodka Dadka Iyo Gaadiidka

0
19
Hargeysa(Saxilnews)Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Jamhuuriyada Somaliland, waxa ka socda dhaqdhaqaaq xooggan oo dhinaca ganacsiga ah, waxana ay dadweynuhu si weyn ugu  diyaargaroobayaan Maalinta Ciiddal Fidriga oo kaabiga inagu soo haysa.

Badiba shacabka gaar ahaa Hooyooyinka,Carruurta iyo dhalinyarada, ayaa si aad ah u buux-dhaafiyey suuqyada waaweyn ee Lagu iibiyo waxyaabaha kala duwan ee lagu labisto Maalmaha Ciidda sida dharka, kabaha, Alaabooyinka yar yar ee caruurta loo iibiyo iyo waliba waxyaabaha kale ee muhiimka u ah Lebiska maalintaas.

Suuqa Waaheen oo ah suuqa ugu wayn caasimada Hargeysa ayaa waxa soo buux dhaafiyey dad aad u tiro badan,iyada oo saxmad badan iyo cidhiidhi uu ka jiro suuqaasi dadkana ay dhib ku tahay inay helaan meel ay maraan amaba ay wax ka iibsadaan,waxaana cidhiidhi ah oo dad ay soo buux dhaafiyeen goobaha lagu iibiyo dharka,Kabaha iyo Alaabooyinka kale ee la iibsado maalmaha ciida,iyada oo sidoo kalena ay is dhex qaadayaan dadkuna ayna adag tahay in gaadhi uu dhex mero goobtaasi,iyada oo jidka wayn ee dhex mara suuqa wayn ee caasimada Hargeysa-na ay gaadiidku ku xanibnaadan saacado badan,iyaga oo kala batay dadkii iyo gaadiidkii wadada marayey.

Waxaana suuqa Waaheen iyo suuqyada kae ee magaalada Hargeysa marka aad lug ku marto ay indhahaagu qabanayaan dad tiro badan oo maraya wadada dhamaantoodna ay u wada socdaan sidii ay wax uga iibsan lahaayeen suuqyadaasi dhamaan goobaha waxyaalaha kala duwan lagu iibiyo madaama oo ay maalmo kooban inaga xigaan maalinka Ciidal Fidriga ayna sii baxayso Bishii Barakaysnayd ee Ramadan oo maanta ah 21.

Waxaana maalmahan oo kale ay dadka iyo ganacsatada suuqyaduba ay kala kulmaan dhib badan,is jiidh  iyo waliba xatooyo,iyada oo marka aad suuqa maraysona aad laba mid iska eegayso kuwaas oo kala ha Gaadhi ama Qof,madaama oo dadkii maalinba maalinka ka danbaysa ay soo badanayaan isla markaana suuqu yahay mid aan wada qaadi Karin tirada dadka intaa leeg,waxaana sidoo kale iyaguna dhib xatooyo kala kulma dadka ganactada.

Tuugta ayaa wakhtiyadan oo kale waxay gaystaan dhac iyo boob hantiyeed iyaga oo dadka wax iibsanaya ama wax iibinayana ka dhaca hantida iyo waxa ay sitaan,iyaga oo mararka qaarna waxyeelooyin u gaysta dadka.

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa iyagu hadh iyo habeenba heegan ugu jira sugida amaanka shacabka iyaga oo ciidamadaasina ay qabqabanayaan cid kaste oo lagu arko qalad,xatooyo xooleed amaba ay uga shakiyeen Khalkhal galin nabadgeliyo,waxaana ciidamadu ay tuban yihiin isla markaana ay gaaf wareegayaan wadooyinka suuqyada caasimada Hargeysa.

Dhinaca kale Dadka ayaa si weyn u iibsanaya waxyaabaha ay u baahan yihiin ee ay ugu diyaar garoobayaan Maalinta Ciidda Barakaysan ee Ciidul-fidriga, waxana ay sheegeen inay Dareemayaan waxoogaa sicir-barar ah oo dharka iyo Kabaha ku dhacay, taasina ay dhibaato weyn ku tahay dadka danyarta ah ee aan jeebkoodu buurnayn isla markaana aan tahli Karin inay qiimaha alaabtaasi la siinayo ay ku iibsadaan lacagta lagu yidhi.

Gabagabadiina waxa la filayaa in dhaqdhaqaaqa suuqu uu kor u sii kaco maalmaha soo socda, waxana sida cad Magaalada si xawli ah ugu soo kordhaya badeecado hor leh oo loogu talo galay dadka Ciidaya maalinka ciidal Fidriga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here