Dhakhtar laambad looga iibiyay 41,600 oo doolar oo loo sheegay iney keeneyso hanti iyo caafimaad

0
19

Khiyaanada raggan ayaa xitaa waxaa ka mid ah iney laamabadda jinniyo ka soo kicinayaan iyadoo la raacayo sheekada habeennada Carabta, sida ay warinayso warbaahinta Hindiya.

Ragga ayaa la sheegay in laambada ay ku doonayeen lacag ka badan $ 200,000 oo doolar hase yeeshee waxay ugu dambeyn ku heshiiyeen $ 41,600 oo doolar.

Waxaa sidoo kale lagu raad joogaa haweeneey Saddexaad oo looga shakisanyahay iney ka mid ahayd dadka shirqoolkaan soo maleegay.

Dhaqtarka ayaa la sheegay in horraantii todobaadkan uu dacwad u gudbiyay booliska deegaanka Meerut, ee galbeedka Uttar Pradesh.

Cabashada ninka oo ay soo xigtay NDTV, wuxuu sheegay in ninka uu labada nin la kulmay ka dib markii uu bilaabay daaweynta haweeney uu u fahmay inay tahay hooyadood muddo bil ah ka hor.

“Si tartiib tartiib ah ayey u bilaabeen inay iigu sheegaan wax ku saabsan ‘baba’ oo ay sheegeen inuu sidoo kale ku booqday gurigooda. Waxay bilaabeen inay badalaan maskaxdayda waxayna i weydiisteen inaan la kulmo qofka ay ku tilmaamen Baba oo aan rumeysanahay inuu yahay qofka indha sarcaadka sameeynayay , “ayuu yidhi, sida laga soo xigtay NDTV. Ka dib wuxuu la kulmay baba “oo umuuqday inuu sameynayo cibaado”.

Waxa kale oo la wariyey inuu yidhi “booqashadii ‘Aladdin’ runtiina hortayuu ka soo muuqday” goor dambena ay ahayd markii uu ogaaday in mid ka mid ah eedeysanayaasha uu u labisanayay sidii qof magac leh.

Warar kale oo ay qoreen warbaahinta Hindiya ayaa sheegaya in tuhmanayaasha ay iska dhigeen jini si ay uga dhaadhacsiiyaan dhakhtarka saxnimada laamabada.

Raggu aakhirkii waxay u dhiibeen laambadda, iyagoo u ballanqaaday “iney keeni doono hanti, caafimaad iyo nasiib wanaagsan”,

Waxaa dhakhtarka lagu yiri waxay laamabadda kuu keeneysaa lacag dhan $ 201,200 oo doolar waxaana laga qaaday $41,600 oo doolar.

Sarkaal sare oo ka tirsan booliska Meerut oo lagu magacaabo Amit Rai ayaa u sheegay NDTV in isla raggaas looga shakiyay in sidaan oo kale ay u khiyaameen qoysas kale. (saxil news)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here