DHAKHAATIIR KU DUL MURMAY BUKAAN OO SHAQADA LAGA JOOJIYAY

0
20

Laba dhakhtar oo ka hawlgala isbitaal ku yaalla India ayaa si KMG ah shaqada looga joojiyey, ka dib markii uu soo baxay video muujinaya ayagoo isku dul haysta oo ku dul qaylinaya haweeney uur leh oo miiska qalliinka ee isbitaalkooda saaran.

Muuqaalka oo laga soo qaaday isbitaalka Umaid ee waqooyiga Rajasthan, ayey aad dadku isugu direen, kaasoo caro dhaliyey.

Sarkaal isbitaalka u hadlay ayaa sheegay in haweeneyda iyo ilmihii ay dhashayba ay fiican yihiin.

Cidda muuqaalka qaadday weli lama oga, laakin waxaa loo baadinayaa in shaqaalaha isbitaalka uu ka yimid.

HALKAN KA DAAWO

Markii video-ga uu soo baxay ayey warbaahin badanna isla dhex mareen in ilmihii haweeneyda uurka lahayd uu dhintay.

Dr Ranjana Desai oo ka mid ah madaxda isbitaalka waxay sheegtay in taasi aysan sax ahayn. “Markii aan arkay muuqaalka oo aan baaritaan sameeyey waa goor ay warnaahintu durba tabisay in ilmahaas uu dhintay” ayey ku tiri BBC.

Waxay sheegtay in uu jiro ilmo yar oo dhintay, balse uusan ahayn cunugga ku dhashay miiska lagu murmayey.

Dr Desai ayaa magacyada labada dhakhtar ku kala sheegtay Dr Ashok Nanival iyo Dr Mathura Lal Tak.

Shaqo joojinta lagu sameeyey dhakhaatiirta ka sokow, waxaa kale oo soconaya baaritaan gudaha ah oo la xiriira ciddii filimka qaadday oo sii deysay.

Maxkamadda sare ee Rajasthan ayaa amar ku bixisay in isbitaalku uu warbixin soo gudbiyo, ayadoo dhanka kalena uu soconayo baaritaan heer gobol ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here