Dexamethasone iyo cudurka Corona: Maxay tahay dawadan, sideyse ula dagaalantaa cudurka corona?

0
20
Dexamethasone in tablet form

Dawadan lagu dabiibo caabuqayada ee lagu magacaabo dexamethasone waxaa lagu tilmaamay inay horseedi karto daweynta bukaannada la xanuunsanaya ee sida weyn uu u hayo cudurkan Covid-19.

Tijaabo lagu sameeyay UK ayaa muujinaysa in dawadan ay nolosha dadka badbaadin karto, islamarkiina lagu isticmaali karo isbitaallada dalkaasi ee NHS.

Dawadan maxay tahay?

Dexamethasone waa dawo raqiis ah oo la isku duro ama kaniini la liqo – oo dajisa caabuqyada ka dhasha hurmuunaat-ka ama difaaca jirka.

Sidey dawadan u shaqeysaa?

Dawadu waxa ay hoos u dhigtaa hannaanka difaaca jirka.

Fayraska korona ayaa waxa uu kiciyaa caabuq xilli jirku uu iskudayayo inuu iska difaaco.

Hasayeeshee mararka qaar hannaanka difaaca ee jirka ayaa aad u falceliya, falcelintaas ayeyna dhibaato ka dhalan kartaa oo unugyadii loogu talagalay inay jirka caabuqa ka difaacaan ayaa marka dambe waxa ay dib u soo weerraraan isla unugyadii jirka.

Dexamethasone waxa ay dajisaa saameyntaas.

Dawadan waxaa la siin karaa oo kaliya dadka isbitaallada ku jira ee ay ku xiran yihiin qalabka iyo mishiinnada lagu neefsado, dadkaasna waa dadka liita.

Dawadan laguma dabiibi karo dadka aanay xaaladooda cuslayn, in xilligan awood badan la saaro hannaankooda difaacana ma caawin doonto bukaannadaas.

doctor with a drug

Waa sidee waxtarkeeda?

Saynisyahannada tijaabinayay dawadan ayaa sheegaya in ay wax weyn ka tareyso yareynta bukaannada la ildaran xanuunka oo saddexdii qof ee qalabka neefsiga u baahan ay suurtagal tahay in midkood uu ka badbaado haddii la siiyo dawadan.

Halka bukaannada ogsijiinka lagu xiray mid ka mid ah shantiiba ay badbaadin karto.

Tijaabada la sameeyay ayaa lagu ogaaday in wax weyn aysan u tarayn dadka caadiga u neefsanaya.

Tijaabadu maxay ahayd?

Tijaabadani oo ay sameysay Jaamacadda Oxford ayaa lagu eegayay in dawooyinka xanuunnada kale loo isticmaalo lagu tijaabiyo cudurkan Covid-19.

Qiyaastii 2,100 qof oo ah bukaanno la xanuunsan cudurkan ayaa maalintiiba la siinayay 6mg oo ah dawadan dexamethasone muddo toban maalmood ah.

Bukaannadaasi ayaa la eegayay soo kabashadooda marka loo eego 4,300 oo bukaanno kale ah oo aan dawadaasi la siin.

Saynisyahannadu waxay rajeynayaan in mustaqbalka dawadan dexamethasone ay qayb ka noqon karto dawooyinka lagula tacaalo cudurkan.

Haatan waxay khubaradu ku talinayaan in lagu daweeyo bukaannada qaangaarka ah ee la xanuunsan cudurkan balse laga ilaaliyo dumarka uurka leh iyo kuwa naas nuujinaya dhallaanka.

Dawadan ma tahay mid meelwalba laga heli karo?

Dawada dexamethasone waa dawo qiimo jaban oo markii horeba dunida laga isticmaalayay, helideedana ay sahlan tahay.

Dowladda ayaa waxaa ay sheegtay in keyd fiican oo daawadaas uu haatan yaal, laguna daweyn karo dad gaaraya laba boqol oo kun oo qof, kaddib markii lagu guuleystay tijaabadii lagu sameeyay.

Dalka Ingiriiska, waxaa bukaankii ba uu uu ku iibsna karaan lacag dhan lix gini, daweynteedana ay qaadan karto muddo toban cisha ah.

Daawadan ayaa markii ugu horreysay la sameeyay sanadkii 1957, waxaana dalka Britain laga isticmaalay sanadkii 1960.

Shirkado badan oo dunida ayaa sameeya, waana taas sababa looga helo meela badan oo dunida ah.

Tallaabadan waxay u wanaagsan tahay dalalka soo koraya ee adduunka, waxaana soo dhaweeyay Hay’adda Caafimaadka Adduunka ee WHO.

Wakaaladda caafimaadka iyo daryeelka bulshada ayaa sheegtay in dawadaas lagu daray liiska dawooyinka aanan laga dhofin karin Ingiriiska.

Dexamethasone tablets

Maxay yihiin xaaladaha kale ee dawadan loo isticmaalo?

Dawadu waxa ay kaa caawin kartaa daweynta cudurro kala duwan ee la xiriira caabuqa ama bararka jirka, ama xaaladaha habka difaaca jirku uu u bato – tusaale ahaan, neef aad u daran oo sababi karta caabuq ku yimaada marinnada hawada iyo sambabbada, xasaasiyad daran ama kalagoysyada oo barara.

Maxay yihiin waxyeellada kale ee ay dawadan leedahay?

Dawadan dexamethasone caadiyan waxyaabaha ay sababi karto waxaa ka mid ah walaac, hurdada oo qofka ku adkaata, culayska oo qofka ku kordha iyo waxyaabo kale.

Waxyeelooyinka dhifta ah waxaa ka mid ah xanuunnada indha, aragga oo xumaada iyo dhiigfuran.

Si kastaba ha noqotee, bukaannada coronavirus waxay u baahan yihiin oo keliya qiyaas yar oo xadidi karto waxyeelooyinka ay leedahay.

Sarkaalka ugu sareeya caafimaadka England wuxuu yiri “ma jiraan waxyeelloyin xad-dhaaf ah oo loo aqoonsaday isticmaalka qiyaas ka mida dexamethasone oo bukaanka ay gaadhsiin karto”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here