Berbera (Saxilnews.com)-Waxay noo ahayd Farxad aad u weyn in maanta aanu soo booqano Xarunta Dhaqaalaha Jamhuuriyada Somaliland ee Berbera aniga iyo Saaxiibkay Mudane Mahadi Cismaan Buuri oo ah Wasiiru-dawalaha Wasaarada Khayraadka Biyaha ee Somaliland.
Guud ahaan Magaalada Berbera iyo gaar ahaan Dekeda Istiraatijiga ah ee Berbera ayaa waxaa ka muuqda Horumar balaadhan oo dhinac kasta ah, dadweynaha Berbera ku nool iyo ganacsatada kala duwan ee Dekeda Berbera isticmaala ayaad wajiyadooda ka dareemaysaa sida ay ugu faraxsan yihiin horumarka joogtada ah ee ay magaalo xeebeedka Berberi ay ku talaabsanayso maalinba maalinta ka danbaysa
Dekeda Berbera oo imika noqotay goob ay Dunidu isha ku hayso oon shirkado tiro badan oo dunida dacaladeeda kala joogaana ay ku hamiyayaan inay maalgashadaan tan iyo intii Xukuumada Jamhuuriyada Somaliland ay heshiiska la gashay Shirkada DP World, ayaa waxaad arkaysaa dhaqdhaqaaqa ganacsi ee xawliga ku socda ee
Berbera ka bilaabmay.
Waxaana Bulshada Deegaankan Berbera iyo nawaaxigeedu ay diyaar-garow badan ugu jiraan sidii ay ugu Hadhuubo tolan lahaayeen Khayraadka tirada badan ee ku soo fool leh magaalada Berbera Bilaha iyo Sanadada soo socda, iyada oo ay sida Cadceeda u muuqato in Dekeda iyo Magaalada Berbera ay noqon doonaan xarunta laga hogaamiyo dhaqaalaha Qaarada Afrika, kaalin muuqata oo aan la dhayalsan karina ku yeellan doonta guud ahaan Horumarka iyo Nabadgelyada Geeska Afrika.
Somaliland ha Guulaysato