Dekeda Berbera maxaa gobolada kalena uuga hadli waayeen ee reer Saaxil uun loogu daawaday by Abdi Mustafe‏

0
27

Dekeda Berbera maxaa gobolada kalena uuga hadli waayeen ee reer Saaxil uun loogu daawaday by Abdi Mustafe‏

Si aanay u dhicin sheekadii sadexda sac ee libaaxo midba mar cunay ee kii u danbeeyey yidhi cunista iigu dhaqso maalintii aan sacii u horeeyey raali ka noqday in aad cunto ayaan dhintay e
maxay gobalada kale uuga aamusan yiin yiin iibka Dekeda Berbera. Isma qabato in marna la yidhaa reer baa sheegta Dekeda marna dalka dakhliga uuga badan laga soo xareeyo Berbera marka la iibsanayana afka laga heysto. Gobol waliba ha ka hadlo in aan Shirkad ajanebi ah lagu wareejin oo ina dhaxal wareejisa. Ujeedada keliya ee dowladu Dekeda u iibineysaa waxa weeye in ay lacag malaayiin ah ka qaataan oo beri markay dhacaan na ay yidhaahdaan maxaa iiga gidhiisha kol hadaan lacag buuran ka qaatay. Ninka Suldaanka guud sheegta ee kolba madaxtooyadu soo shidaalisana salaadiinta reer Saaxil cashar lama ilaawaan ah ha u dhigaan ileyn isagaa marna sacad muse u jawaaba marna ciisa muse u jaaba oo siduu yahay aan la garanayn e. Hadii se uu siduu ahaan jiray weli yahay oo uu diidaa yahay wax ka soo qaad malaha oo waa ninkii awoow giiba lagu yidhi nacas nimada cimri dhererka ayuu kaga daray dabeed kana wax kale ayaaba u sii dheer. Suldaan nimo nin kasaa dilay aan afkiisa iyo dhegihiisu is maqlayn ee qadhiidh yar oo lacaga ciyaal inta loogu soo dhiibo wixii la doono la yidhaa ku hadaaq.

Saxilnews.com Waxay Magan Galinaysaa Fikirka Bulshada Somaliland Iyo Caalamka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here