DEG DEG :- WASIIRKII LABAAD OO MUDDO TODOBAAD GUDIHII AH ISKA CASILAY MAAMULKA PUTLAND + SABABTA

0
18

 

Garowe (Saxilnews):-  Wasiiru dowlihii madaxtooyada ee xidhiidhka  caalamiga ee Maamulka Puntland ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu ka hayay Puntland.

 

Wasiiru dowlaha oo lagu magacaao Dr Maxamed Cabaas Macalin, ayaa sheegay in warqada iscasilaadiisa uu ku wareejiyay madaxweynaha Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas.

Wasiiru dowlaha ayaanan sheegin sababta ku dhalisay inuu iska casilo xilka uu ka hayay Puntland, laakiin wuxuu sheegay in arimo u gaar ah oo ku qasbay inuu xilkaasi isaga tago.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii uu xilka iska casilay wasiirkii warfaafinta ee maamulka Puntland Maxamuud Soocadde.

Madaxweyne Gaas ayaa wadda qorshe uu isku shaandheyn ugu sameynayo xubnaha golaha wasiirada, iyadoo saacadihii lasoo dhaafay aad looga hadal hayay isku shaandheynta wasiirada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here