Hargeysa(Saxilnews)-Madaxwayne Siilaanyo isku dhaandhayntiisii ugu dambaysay ayaa waxa ku jirey masuuliyiin uu u magacaabey xilal cusub kuwaasi oo ilaa iyo haatan aan haysan wax xafiis iyo shaqaale ah.
Wasiirka Wasaaradda dhaqanka iyo dalxiiska Khadar Xaaji Yuusuf waxa uu ka mid yahay wasiirada aan haysan Xafiis,Shaqaale iyo cid kale oo uu kala wareego wasaaradd jirta waxaana wali uu dhex musanaabayaa Iridaha Aqalka Madaxtooyada Somaliland.
Waraysi uu siiyey Star Tv waxa uu ku sheegay aanu wali haysan wax xafiis ah balse ay jiraan shaqaale iyo gaadiid ka dhex shaqeeya qaybaha kala duwan ee Wasaaraddaha Warfaafinta iyo Ciyaaraha Somaliland.
Halkan Ka Daawo Muuqaalka