DEG-DEG: Waqtiga Uu Gianluigi Donnarumma Tijaabada Caafimaadka U Marayo PSG & Xiddig Kale Oo Go’aankiisa La Sugayo

0
38

Kooxda kubadda cagta Paris Saint-Germain ayaa u diyaarisay qaabkii loo samaynayay tijaabada caafimaadka goolhayaha Talyaaniga ah ee Gianluigi Donnarumma oo si bilaash ah ay kagala wareegtay AC Milan, kaddib markii uu dhamaaday qandaraaskiisii San Siro.

Gianluigi Donnarumma ayay Milan isku dayday inay sii haysato, laakiin waxa uu laacibkani doorbiday inuu iskaga tago oo uu ku biiro koox awood leh oo ka caawin karta in uu ku guuleysto tartanka Champions League.

22 jirkan oo kasoo baxay kulliyadda AC Milan, kana mid ah goolhayeyaasha ugu wanaagsan dunida waqtigan ayaa xulka qarankiisa Talyaaniga kala qayb-gelaya Euro 2020, waxaana labadii kulan ee uu ciyaaray uu ka dhigay wacdaro.

Chelsea iyo Barcelona ayaa lala xidhiidhinayay Donnarumma, waxaana kooxda hore ee Blues ay kaga maarantay Edouard Mendy oo illowsiiyey Kepa Arrizabalga, halka Barcelona ay ku fikiraysay inay si bilaash ah kula soo wareegto 22 jirkan, isla markaana ay iibiso Ter Stegen, laakiin ugu dambayntii waxa meesha soo gashay PSG oo saxeexa laacibkan ku guuleysatay.

Sida uu xaqiijiyey wariyaha Talyaaniga ah ee Fabzio Romano, Gianluigi Donnarumma ayaa Isniinta berri tijaabada caafimaadka u mari doona PSG, waxaana loo qorsheeyey oo lagu habeeyey dhamaan daruuriyaadkii hubinta badqabkiisa caafimaadka Florence.

Gianluigi Donnarumma ayaa kaddib si rasmi ah loogu dhawaaqi doonaa inuu yahay ciyaartoy PSG ah, isagoo qalinka ku duugaya heshiis soconaya illaa sannadka 2026 oo horeba la iskula sii afgartay.

Dhinaca kale, PSG ayaa go’aan ka sugaysa Everton kaas oo ku saabsan weeraryahanka Talyaaniga ah ee Moise Kean.

Agaasimaha PSG ee Leonardo ayaa doonaya in Kean uu sii joogo Parc des Princes isagoo amaah ah, isla markaana ay haystaan sannad kale, laakiin waxay arrintu ku xidhan tahay Everton.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here