Deg Deg Wada Hadalkii Somaliland Iyo Khaatumo Oo Soo Gabo Gaboowey Iyo Qodobada Lagu Heshiiyey 

0
19

Jabuuti (Saxilnews):- Waxaa maanta si rasmi ah caasimada dalka Jabuuti ugu soogabo gaboowey wajigii saddexaad ee wada hadalkii u dhaxeeye Somaliland iyo Khaatumo

 

Wajiga saddexaad ee wada halkan ayaa waxaa uu socdey muddo 5 cisho ah waxaana ka soo baxay sideed qodob .

Halkan Hoose Ka Akhrsiso Qodobadii Ka Soo Baxay

1.  Waxaa laysla qaatey in si sugan looga wada shaqeeyo arinta nabadeynta ee u dhaxeysa beelaha walaalaha ah ee (Baharsame iyo Qayaad ) si buuxdana u taageerno iskuna garab taagno gudida nabadeenta ee hawshaasi ku jirta.

2. Waxaa si buuxda layskula qaatey in hawlaha abaaraha iyo horumarinta layska kaashado si wada jir ah

3.  Waxaan si wada jir ah ugu baaqeynaa Hay’adaha caalmiga ah iyo kuwa maxliga ahba in ay ka hawl galaan dhamaan gobalada iyo degmooyinka aanay hore u tagi jirin  halkaas oo iminka wax nabad galyo daro ahi ka jirin loona sameeyo gudi wada jir ah

4. Waxaa laysla gartey maamul daadajin ay aas aas u tahay nabad ku wada noolashaha iyo kobcinta awooda bulshada , sidaas datreed waa   in la gaadhsiiyo oo laga abuuro maamul iyo adeega bulshada meelaha aanay hore uga jirin Hay’adaha sama falkuna ay doorkooda qaatan

5 .  Waa in meel looga soo wada jeesto wax kasta oo caqabadeyn kara  hanaanka wada hadalada labada dhinac

6. waa in waxii dhiig iyo dhaqan  ku saabsan lala tashado golayaasha dhaqanka si wada jir ah

7. Waxaa laysla qaatey in gudi farsamo soo diyaariso qabashada shirka danbe soona cayinto goorta iyo goobta lagu qaban doono sida ugu dhakhsaha badan

8. Waxaa laysla qaatey in yoolka wada hadaladeenu uu saldhig u yahay is aaminaad , wada shaqeyn ,  nabad galyo iyo horumar dhan kastaba ah

No automatic alt text available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here