Hargeysa (GTV):- Gudoomiyaha xisbiga Kulmiye Muj Muuse Biixi iyo wafti uuhogaaminaayo ayaa waxaa ay caawa guuro ku galeen xarunta gobalka Togdheer ee Burco .
Galabta ayaa waftigani waxaa ay si deg deg kaga anba baxeen magaalada Hargeysa waxaana ka mid ah waftigan wasiirka wasaarada madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo masuulyiin ka tirsan xisbiga Kulmiye iyo xukuumadaba
Shabakada saxilnews.com ayaa waxaa ay xogo ka heshay ujeedka waftigan uu hogaaminaayo Muuse Biixi ay ku tageen magaalada Burco waxaana ay xogahani yahiin in waftigani ay magaalada Burco ujeedka ugu weyni ee ay u tageen ay tahay in ay ka qeyb galaan xaflad soo dhaweyn ah oo la sameyaanyo taageerayaal ku soo biiraya xisbiga Kulmiye oo ka soo jeeda Cimraan (Habar-Jeclo).
Xafladan ayaa sida aanu xogaha ku helayno waxaa ay magaalada Burco ka qabsoomi doonta maalinta bari ah waxaana ay xafladani ku soo beegmaysaa xilli abaaro xoogani ka jiraan dalka gaar ahaan gobalada bariga