Borama (Saxilnews):- War deg oo hada soo gaadhaya xafiiska war qabadka eeshabakada Ilaysnews.com waxaa uu sheegayaa in dooxa Abase oo uu dhaw magaalada Boon ee gobalka Salal uu qaadey maayarkii magaalada Xariirad Allaah Haw u naxariistee marxuum Xariirad Abokor Xasan Guuleed
Sidoo kale waxaa maayarka la socdey wasiirka wasaarada ciyaaraha Somaliland balse isaga waa laga bad baadiyey biyihii dooxa oo waxaa soo gaadhey dhaawac
Waxaana la sheegaya in dhawaca wasiirka ciyaaraha lagu soo wado magaalada Borama si loogu dabiibo
Masuulyiintan ayaa waxaa ay ku soo socdeen magaalada Borama ee xarunta gobalka Awdal iyaga oo ka yimid gobalka Salal ka hor intii aanu dooxu qaadin