Deg Deg : Mid Ka Mid Ah Dalalka Islaamka Kuwaada Ugu Quwada Badan Oo Tageeray Xayiraadda Socdaalka Ee Donald Trump + Dalka Uu Yahay

0
22

USA (Saxilnews):- Dal ka mid ah wadamada Islaamka kuwaada ugu quwada badan ayaa waxaauu tageeray xayiradii uu dhawaan madaxweynaha cusub ee Mareykanka Donald Trump ku soo rogay 7 dal oo islaam ah in aanay dadkoodu qaxoonti nimo ku iman karin dalka Mareykanka

Wasiirka shidaalka ee Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in uu ku kalsoon yahay in boqortooyadu ay si dhaw ula shaqayn doonto maamulka cusub ee Maraykanka, wuxuunaTrump ku amaanay taageerada uu u muujiyay isticmaalka gaaska dabiiciga ah ee dhulka laga soo saaro.

 

Khalid al-Falih ayaa sheegay in aysan xaqiiqo ku salaysnayn siyaasaddii Barack Obama ee ahayd in la isu dheeli tiro isticmaalka shidaalka dhulka laga soo saaro iyo tamarta la cusboonaysiin karo ee laga dhaliyo waxyaabo ay ka mid yihiin cadceedda iyo hawada.

Khalid ayaa dhanka kalana difaacay xayiraadii socdaalka ee Donald Trump isaga oo sheegay in dal walba uu xaq u leeyahay ciribtirka halista dadkiisa haysata.

Wasiirku wuxuu sheegay in uu ku kalsoon yahay in labada dal oo wada jira ay ka hortagi karaan caqabadaha gobolka iyo kuwa caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here