Jabuuti (Saxilnews):- Madaxweynaha dalka Somaliya Muddane Maxamed Cabdilaahi Farmaajo iyo wafti uuhogaaminaayo ayaa waxaa ay maanta ka dageen dalka Jabuuti .
Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa uu kulan gaar ah la yeelan doona madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaciil Cumar Geele , waxaana ay ka wada hadli doonan xidhiidhka labada dal iyo la dagaalanka Ururka Al-Shabaab .
Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa waxaa inta uu ku sugan yahay dalka Jabuuti uu khudbad ka hor jeedin doona Baarlamaanka Dalka Jabuuti , khudbadaas oo ka hadleysa xaalada dalka Somaliya
Farmaajo waxaa uu sidoo kale ka qeyb gali doona munaasibad loo sameynaayo dekad cusub oo dalka Jabuuti Sameystay , waxaana booqashadani ay noqonesaa tii ugu horesay ee Farmaajo ku tago dalka Jabuuti intii loo doortey xilka madaxweynaha dalka Somaliya