Hargeysa (Saxilnews):- Gudida doorashooyinka Somaliland oo goor dhaweyd saxaafada kula hadley xarunta ay ku leeyihiin magaalada Hargeysa ayaa waxaa ay shaaciyeen in dabley hubeysani ay xalay goor danbe weerar ku qaadeen goob diwaangalineed oo ku taalay Magaalada Laascanood
Gudoomiyaha Gudida Doorashooyinka Cabdiqaadir Iiman Warsame ayaa waxaa uu bulshada reer Somaliland Ugu Bushaareyey in qalabkaasi la dhacay xogtii lagu uruuriyey dhamaantood ay ku soo dhacdey xarunta dhexe ee kominshanka isla markaana aanay jirin wax xog ah oo raacdey qalabkaasi waxaana uu ugu baaqey dableydaasi qalabka la wareegtay in ay iska soo celiyaan maadaama oo aanu wax anfac ah u laheyn
Dhinca kale gudoomiyaha gudida doorashooyinka Somaliland waxaa uu sheegay in baadhitaan iyo dabo gal xoogan lagu wado dableydaasi xalay la wareegtay qalabkii diwaangalinta goob ka mid goobaha magaalada Laascanood.
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan