Deg Deg :- Ex Wasiir Xirsi Oo Ka Hadley Mansabka Siyaasadeed Ee Uu Xisbiga Waddani Looga Magacaabey Iyo Awoodihiisa

0
25

Hargeysa (Saxilnews):- Wasiirkii hore ee wasaarada madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xassan  oo ka mid ah siyaasiyiinta Isbaheysiga Kulmiye oo maalintii shalay aheyd shaaciyey in ay si rasmi ah ugu biiren xisbiga Waddani ayaa waxaa uu ka hadley mansabka siyaasadeed ee uu xisbigaasi ka qaatey  iyo awoodihiisa .

Sidoo kale waxaa uu Siyaasi Xirsi  sheegay in aanu jirin wax tartan ah oo ka dhaxeeya  gudaha siyaasiyiinta ku bahoobey xisbiga Waddani balse u jeedkoodu yahay sidii ay u awooda isku dari lahayeen waxaana siyaasi uu ku sheegay wareysi oo maanta siiyey idaacada BBC da waxaana uu yidhi

” Xisbigu waxaa uu leeyahay qaab dhismeed , anaguna qaab dhismeedkii hore u jiray iyo mid kale oo aanu ku darneyba waanu isla qaadaney , qaab dhismeedka xisbigana in la bedelaa oo xisbiyadu hanaan maamul oo kala duwan ay sameeyaan waa wax dunida oo dhan ka jira ” ayuu yidhi

Sidoo kale Siyaasi Xirsi oo ka hadlaya awooda uu leeyahay mansabka siyaasadeed ee uu xisbiga Waddani ka qaatey ayaa waxaa uu yidhi

“Awoodaha xilkaas waxaa lagu cadeyn doona shir weynaha golaha dhexe , mana jiro tartan naga dhexeeya  xisbiga ee waxaanu dooneynaa in aanu awooda isku darno oo dhamaantayo wada adkaano ee aanan kala adkaanin   ” ayuu hadalkiisii ku soo kobay siyaasi Xirsi Cali Xaaji Xassan oo wareysi siiyy wariye   Axmed Siciid Cige oo ka tirsan laanta afka Somaliga ah ee BBC da

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here