Deg Deg :- Dawlada Itoobiya Oo Ka Hadashey Saamiga Laga Siiyey Dekada Berbera

0
18
Addis Ababa (Saxilnews):- Dawlada Itoobiya ayaa waxaa ay markii ugu horeysay ayka hadashey saamiga laga siiyey dekada Berbera ee ah 19 % iyo waliba xidhiidhka ay la leedahay Somaliland .

Afhayeenka wasaarada arimaha dibada Mr . Meles Ale moo maalintii arbacadii la Hadley idaacada VOA laanteeda af Axmaariga ayaa waxaa uu sheegay in Somaliland iyo Itoobiya uu ka dhaxeeyo xidhiidh adag isla markaana ay dawlada Itoobiya dooneyso isticmaalka dekada Berbera kana qeyb qaadan doonto balaadhinteeda iyo casriyeenteeda ,afhayeenka oo la weydiyey bal in uu faahfaahin ka bixiyo doonista Itoobiya ee dekada Berbera waxuu yidhi .

 

“Itoobiya iyo Somaliland xidhiidh muddo dheer jiray ayey leeyihiin , waxaana ay leeyihiin xidhiidh ku saabsan dhinacyada dhaqaalaha , amaanka , ganacsiga tacliinta iyo caafimaadka waxaana jira horumar badan oo ka dhexeeya

Itoobiya waxaa ay dooneysaa inay isticmaasho dekada Berbera intaas oo dhana waxuu raysal wasaaruhu u cadeeyey madaxweynaha Somaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo markii uu Addis Ababa yimid , sidoo kale Itoobiya waxaa ay dooneysaa in ay isticmaasho dekadaha gobalka oo dhan sida Djabooti , Mombasa , Berbera , iyo Suudan markaas Itoobiya waa ay dooneysaa dekada Berbera ” ayuu yidhi

Dhinca kale afhayeenka oo la weydiiyey in uu xog ka bixiyo wararka sheegay in Itoobiya dekada Berbera laga siiyey 19% iyo hadii ay jirtaba lacagta ay ku iibsanayso saamigaas dekada Berbera waxaa uu sheegay in arintaas uu ka hadli doono marka xiligeeda la gaadho

“Warkaas aad I weydiisey waa bilow marka wakhtiigiisa la gaadho Ayaan ka hadali doonaa ” ayuu yidhi

Afhayeenka waxaa uu sidoo kale ka Hadley xafiiska ay Somaliland ku leedahay Addis Ababa oo uu sheegay in uu yahay xafiis diblomaasiyadeed oo xidhiidhiya labada shacab iyo labada dawladood , isaga oo xusay in Itoobiya xafiis sidan oo kale ah ku leedahay dalka Somaliland gaar ahaan Caasimada Hargeysa

Source :- Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here