Hargeysa (Saxilnews):- Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi Obama oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa waxaa uu markii ugu horeysay ka hadley in uu ka mid yahay siyaasiyiinta Ku hirdamaya hanashada kursiga gudoomiyaha Kulmiye .
Xildhibaan Obama waxaa uu sheegay in aanu wakhti xaadirkan u tartameen kursiga gudoomiyaha Kulmiye , isla markaana aanu jirin wax tartan ah oo xiligan ka dhex jira xisbiga Kulmiye dhexdiisa .
Sidoo kale xidhibaanka ayaa waxaa uu sheegay mar kale in aanu u tartami doonin kursiga gudoomiyaha golaha wakiilada marka uu baneeyo Musharax Cabdiraxmaan Ciro .
Maxamed Cali Xirsi Obama ayaa gabo gabadii waxaa uu sheegay in xisbiga Kulmiye uu leeyahay ku dhaca ah in uu gudoomiye nimada siyaasi ku wareejiyo balse aan wakhtigeedii la gaadhin
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan
https://www.youtube.com/watch?v=DE9HHToae80