Deg Deg Daawo :- Wasaarada Arimaha Gudaha Oo Ka Hadashey Mid Ka Mid Ah Mayaarada Somaliland Oo Xilkii Laga Qaadey Iyo Dacwada Xisbiga UCID Ku Soo Oogey Maayarada

0
20

Hargeysa (Saxilnews):- Wasiir ku xigeenka gobalada iyo degmooyinka ee wasaarada arimaha gudahaSomaliland Jaamac Cabdilaahi Biin ayaa waxaa ay ka hadley maayarka degmada Saylac iyo ku xigeenkiisii oo shalay xildhibaanada degmadaasi xilkii ka qaadeen .

Image may contain: 1 person, outdoor

Wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in xil ka qaadistaas sharci nimadeeda dib loogu noqon doono isla markaa xildhibaanada degmooyinka dhawaan wasiirka arimaha guduhu u gubiyey digrooto ah in aan maayarada xilka laga qaadi karin inta doorashada ka hadhey

 

Sidoo kale wasiir ku xigeenka ayaa waxaa uu ka hadley dacwad uu dhawaan xisbiga UCID ka gudbiyey maayarada Berbera , Gabilay iyo 5 xildhibaan oo kale kuwaas oo shaaciyey in ay ku biireen xisbiga Kulmiye , waxaana uu sheegay Wasiir Jaamac Cabdilaahi Biin hadii sharcigaasi shaqeeyo in xildhibaano badan oo uu Gudoomiye Ciro ugu horeeyo uu kursiga waayi doonan

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here