Hargeysa (SaxilNews):- Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo galabta ka soo laabtey safar uu kutagay dalka Kenya ayaa waxaa uu si dadban u sheegay in aanu ku xisaabtami doonin codka Beesha Bariga Burco
Gudoomiyaha oo ka jawaabaya su,aal uu weydiiyey mid ka mid ah suxufiyiintu oo u dhigneed sida uu u arko odayaal ka soo jeeda bariga Burco oo eedo u soo jeediyey waxaa uu sheegay in ay adayaashaasi xaq u leeyihin cabashooda dadkuna ay badan yahiin
” Waa xor qofku hadii uu raygiisa Muujiyo , hadii uu dantiisa ka tashanaya xaq buu u leeyahay , dee dadkuna wey badan yahiin ” ayuu yidhi Musharax Muuse Biixi
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan