Hargeysa (Saxilnews):- Siyaasiga Cali Khaliif Galeydh ayaa waxaa uu caawasafar aan la sii shaacin ku soo gaadhey magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland isaga oo aaney la soconin wax wafti ah oo maamulkiisa ka tirsani
Siyaasiga ayaa waxaa uu degay Hotel Maansoor ee magaalada Hargeysa waxaana ujeedka safarkiisa lagu sheegay in uu yahay mid isaga khaas u ah
Maamulka Khaatumo iyo xukuumada Somaliland ayaa waxaa u socda wada hadal kaas oo dhawr jeer la kulmay , mana ah markii koowaad ee Cali Khaliif uu Hargeysa Yimaado
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan
https://www.youtube.com/watch?v=n7dumtP17NY