Musharax Cabdiraxmaan Ciro oo wareysi gaar ah siiyey Saxafi Xamse Cali Bulbul oo ka tirsan Telefishanka HCTV waxaa uu sheegay in ay xukuumadu isku sii deysay shaqaliihi dekada iyo shirkada la wareegtay dekada kaas oo sababey mudaharaadka saaka , waxaana uu xukuumada ugu baaqay in waxii gaf ah ee shaqaalaha lagu sameeyo ay ka qabato
Sidoo kale Muddane Ciro ayaa waxaa u sheegay in uu martiqaad rasmi ah uu ka helay guriga lagu falanqeeyo arimaha siyaasada ee Chatom house isla markaana uu dhawaan halkaasi tagi doono kagana hadali doono arimaha Somaliland
Cabdiraxmaan Ciro waxaa uu sidoo kale carabka ku dhuftey in xukuumadu golaha wakiilada u soo gudbisay isla markaana aanu golahaasi ansixin doonin waxii ka hor imanaaya sharciga diinta islaamka
Dhinca kale Cabdiraxaan Ciro waxaa uu xukuumada ku eedeyey in u adeegidii bulshada ay abaaruhu ku dhufteen ay ka gaabisay oo ay kaga mashquushay u jawaabida xisbiga Waddani
Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warkan