DEG DEG: Bruno Fernandes Oo Abaalmarin Ku Guuleystay Markii Seddexaad Sannadkan Gudahiis

0
21

Xiddiga khadka dhexe ee Manchester United Bruno Fernandes ayaa loo magacaabay xiddigii ugu fiicnaa Premier League bishii November.

Fernandes ayaa dhaliyay afar gool afar kulan oo Premier League ah uu u ciyaaray Man Uniyed bishii la soo dhaafay oo ay ku jirto labo gool uu dhaliyay kulankii ay 3-1 kaga badiyeen Everton 7dii bishii November.

Laacibka reer Portugal wuxuu sidoo kale dhaliyay goolkii guusha ee ay 1-0 kaga badiyeen West Brom 21kii November ka hor inta uusan bisha ku soo xirin gool kale uu dhaliyay kulankii ay 3-2 ku dubteen Southampton 29kii November

Bruno Fernandes ayaa sidoo kale sameeyay hal caawin afartii kulan ee Premier League ee uu ciyaaray bishii la soo dhaafay ee November

Fernandes ayaa haatan ku guuleystay abaalmarinta xiddiga bisha Premier League seddex jeer tan iyo markii uu kubada cagta Ingariiska ku biiray bishii Janaayo, isagoo abaalmarintaan sidoo kale ku guuleystay labo jeer xilli ciyaareedkii la soo dhaafay – Febraayo iyo Juun.

2017 ayaa ugu danbeysay markii uu hal ciyaaryahan seddex jeer ku guuleystay abaalmarintaan sannad gudaheed.

26 jirkaan ayaa haatan leh 11 gool 17 kulan uu dheelay xilli ciyaareedkan tartamada oo dhan ka dib markii uu shabaqa soo taabtay kulankii ay guuldarrada 3-2 ka soo gaartay RB Leipzig ee ay uga hareen Champions League.

Man United waxay dheeli doontaa berri oo Sabtida ah iyagoo kulan adag la ciyaaraya Manchester City horyaalka Premier League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here