DEG-DEG: Arsenal vs Leicester, Liverpool vs Bradford/Lincoln, Man United vs Reading – Isku-aadka Wareegga 3aad Ee Carabao Cup Oo La Sameeyey

0
33

Isku-aadka wareegga saddexaad ee tartanka Carabao Cup ayaa la sameeyey 15 daqiiqadood kaddib markii lasoo saaray wareegga labaad oo loo qaybiyey laba hormo oo woqooyi iyo koonfur ah.

Kooxda koobka difaacanaysa ee Manchester City ayaa ku beegantay midka soo baxa labada kooxood ee  Bournemouth iyo Crystal Palace oo wareegga labaad wada ciyaari doona toddobaadka dambe, waxaana Pep Guardiola uu halkaas  ka bilaabi doonaa difaacashada koobka kaliya ee kooxdiisu ay gacanta ku dhigtay xili ciyaareedkii hore.

Kulanka ugu adag wareegga saddexaad ayaa waxa isku haleeli doona Arsenal oo FA Cup kusoo guuleysatay iyo Leicester City oo kaalinta shanaad ka gashay horyaalka Premier League ee xili ciyaareedkii hore, isla markaana labadooduba ka qayb-gelaya tartanka Europa League.

Chelsea ayay foodda is-dari doonaan Middlesbrough iyo Barnsley midkooda soo gudba, waxaana uu tababare Frank Lampard oo saxeexyo badan sameeyey uu dagaal u geli doonaa sidii aanu koobna uga baxsan lahayn ee uu ugu horreyn ugu sii istaagi lahaa midka nasiibku kusoo beego labadan naadi.

Liverpool oo horyaalka Premier League soo hanatay, ayey isku dhaceen Bradford iyo Lindoln midkooda soo guuleysta, halka Manchester United ay foodda is gelin doonaan Reading ama Luton Town oo wareegga labaad wada ciyaaraya midkooda soo baxa.

Halkan kaga bogo isku-aadka wareegga 3aad ee tartanka Carabao Cup:

Bradford or Lincoln City vs Liverpool

Bristol City or Northampton Town vs Burton Albion or Aston Villa

Morecambe or Oldham Athletic vs Newcastle United or Blackburn Rovers

Reading or Luton Town vs Manchester United

Derby County or Preston vs Brighton or Portsmouth

Ipswich or Fulham vs Rochdale or Sheffield Wednesday

Manchester City vs Bournemouth or Crystal Palace

Millwall or Cheltenham vs Burnley or Sheffield United

Chelsea vs Middlesbrough or Barnsley

Wolves or Stoke City vs Gillingham or Coventry City

Leicester City vs Arsenal

West Brom or Harrogate vs Southampton or Brentford

Newport County or Cambridge United vs Oxford United or Watford

Fleetwood or Port Vale vs Everton or Salford City

Leyton Orient or Plymouth vs Tottenham Hotspur

West Ham or Charlton vs Leeds United or Hull City

Inta aan la gaadhin kulamadan wareegga saddexaad, waxa soo kala baxaya naadiyada heerka labaad ee Championship-ka iyo kuwa kasii hooseeya oo min laba afka la iskaga geliyey, iyadoo kuwooda soo baxaana ay naadiyada horyaalka Premier League la dheeli doonaan.

Halkan kaga bogo isku-aadka wareegga labaad ee ay kooxuhu soo ciyaari doonaan inta aan lasoo gaadhin wareegga saddexaad

Burnley vs Sheffield United

Burton Albion vs Aston Villa

Bradford City vs Lincoln City

Leeds United vs Hull City

Everton vs Salford City

Wolverhampton Wanderers vs Stoke City

Rochdale vs Sheffield Wednesday

West Bromwich Albion vs Harrogate Town

Middlesbrough vs Barnsley

Derby County vs Preston North End

Newcastle United vs Blackburn Rovers

Morecambe vs Oldham Athletic

Fleetwood Town vs Port Vale

Isku-aadka wareegga labaad ee kooxaha koonfurta

West Ham United vs Charlton Athletic

Ipswich Town vs Fulham

Oxford United vs Watford

Bournemouth vs Crystal Palace

Leyton Orient vs Plymouth Argyle

Southampton vs Brentford

Bristol City vs Northampton Town

Reading vs Luton Town

Millwall vs Cheltenham Town

Brighton and Hove Albion vs Portsmouth

Newport County vs Cambridge United

Gillingham vs Coventry City

Waqtiga la ciyaarayo kulamada wareegga labaad: September 14

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here