Dawladii Ugu Horeysay Ee Somaliyeed Oo Ka Hadashey Aftidii Awooda Loogu Kordhiyey Madaxweynaha Turkiga

0
25

Moqdisho (Saxilnews):- War-saxaafadeed ka soo baxay dowladda Federaalka Somalia ayaa loogu hambalyeeyaydowladda iyo shacabka Turkiga guushii wax ku oolka ajeyd ee ay ka soo hooyeen aftidii dhinaca dastuurka ee maalinimadii shalay ka dhacday dalkaasi.

Image may contain: 2 people, people standing, crowd and stadium

Waxaana lagu yidhi war Saxaafadeedkaas sidan :

 

“Waxaan u hambalyeynayna Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan guushii uu ka gaadhay Aftidaasi , taasoo u horseedeysa inuu ku hogaamiyo dalkaasi karti iyo horumar,waxaana ku kalsoonahay in tallaabadii ay qaadeen dadka Turkiga ay horseedeyso hoggaamin wanaagsan” ayaa lagu yidhi war ka soo baxay dowladda Federaalka Soomaaliya.

Dhinaca kale qoraalkaan ayaa lagu sheega Dowladda Turkiga in ay tahay saaxiib qiimo leh oo ka mid ah taageerayaasha caawiya Soomaaliya, taasoo aan u aragno inay xoojineyso xidhiidhka laba geesoodka ah ee u dhaxeeya labada dowladood.

Ugu dambeyn xukuumadda iyo shacabka dalka Soomaaliya waxay u rajeeyneysaa shacabka Turkiga oo doortay wadada cusub ee dowladnimada, horumar iyo barwaaqo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here