Hargeysa(saxilnews.com)-Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa muddo kooban ku dhamaystirtay waddo laamiya oo loo dhisay madaxtooyada cusub ee Galbeedka Hargeysa.
Xildhibaan Xasan Shahar, oo ka tirsan golaha deegaanka ayaa sheegay in dhammaan qalabka dhismaha ee dawladda hoose la geliyay waddadan.
Dawladda Hoose ee Hargeysa ayaa lagu dhaliilaa waxqabad la’aan dhinaca waddooyinka magaalada dhexdeeda.
Dhan kale waxa uu dayac xooggan ka muuqdaa waddooyin badan oo hawl-bowle u ah isku socodka magaalada Hargeysa kuwaas oo ay dhibaato ku qabaan gaadiidka iyo dadka adeegsadaaba.