Dawlada Turkiga Oo Ku Dhawaaqdey In Ay Askar U Direyso Dalka Somaliya , Wakhtiga Ay U Diri Doona Iyo Tirada Ciidamadaas .

0
21

 

Ankara (Saxilnews):- Dowladda Turkiga ayaa shaacisay in 300 askari oo ka tirsan millateriga ooisugu jira tababarayaal iyo ciidamo si gaar ah u tababaran ay u soo dirayaan magaaladda Muqdisho bisha sideedaad ee sannadkan

 

Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Magaaladda Muqdisho Olgan Bekar oo waraysi siiyay Jariida Daily sabax ee ka soo baxda Turkiga, ayaa sheegay in bisha september si rasmi ah loo furi doono saldhiga milateriga ee ay ka hirgaliyeen duleedka caasimadda Muqdisho

Wuxuu sheegay in turkigu doonayo in caawiyo dowladda Soomaaliyeed si ay dib ugu soo celiso awoodii dowladnimo iyo kala dambayntii iyo isxukunkii.

” 300 boqol oo askari ayaa imaanaya bisha August oo isugu jira 100 tababare iyo 200 askari oo ilaalin doono saldhiga milateri ee muqdisho oo haatan gabo-gabo ku dhow” ayuu yidhi , wuxuu kaloo sheegay in ay tababari doonaan Saraakiisha Ciidamadda Soomaalida ee milateriga iyo sidoo kale ciidamada gaarka ah.

Gabagabadii, Dowladda Turkigu waxay magaaladda muqdisho ka dhistay saldhigi ugu weyn ee milateri oo meel ka baxsan wadankeeda ka dhisto, waxaana la filayaa in lagu tababaro ilaa 3000 askari oo Soomaali ah , kuwasoo ka kala imaanay dhammaan goboladda Dalka.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here