Dawlada Somaliya Oo Ka Dareen Celisay Go,aan Laga Soo Saaray Baadhis Musuq Maasuq Oo Lagu Waday Shirkada Soma Oil & Gas

0
19

Moqdisho (Saxilnews):- Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ayaa soo dhoweysay go’aankii

Xafiiska Musuq Maasuqa Daran ee Boqortooyada Ingiriiska uu ku soo afjaray baadhistii Soma Oil & Gas Exploration Limited (SOMA).

Image may contain: 4 people

Shirkadda Soma Oil & Gas ayaa horay loogu eedeeyay inay lacag laaluush siisay mas’uuliyiin Soomaaliyeed oo ka tirsan Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta.

 

Eedaynta Soma Oil & Gas ayaa noqotay mid dad badan soo jiidata dareenkooda, balse baadhistii la sameeyay ayaa markii dambe ku soo gaba gabowday in aysan jirin wax cadeyn ah oo sheegaya in laaluush la kala qaatay.

War saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta ayaa lagu soo dhoweeyay go’aanka ay ku cadeysay in shirkada Soma Oil & Gas in aanay wax musuq maasuq ku lug laheyn.

Go’aankaan ayaa la mid ah go’aankii ay soo saareen sanadkii hore (2015) guddi madaxa banaan ee u magacaabay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Guddigan madaxa banaan ayaan wax cadeyn ah u helin waqtigaas in heshiiska tayaynta shaqaalaha ee u dhaxeeyay Wasaaradda Batroolka iyo shirkadda Soma Oil uu ahaa mid wax kala bedelasho ah ama laaluush lagu kala qaatay.

Soomaaliya hadda ayay bilaabaysaa horumarinta ka faa’idaysiga shidaalka. Dawladda Soomaaliyeed waxaa ka go’an inay sameyso siyaasad cad, hay’ado karti leh iyo kaabayaal sahli kara ka faa’idaysiga kheyraadka dabiiciga. Waxaan ognahay inaan la horumarin karin arimaha shidaalka haddii aanay jirin siyaasad iyo qorshooyin cad oo wax looga qabanaya musuq maasuqa.

Baadhitaanada noocan ah wuxuu nagu caawinayaa inaan si hufan u shaqeyno. Waxaan sii hagaajinaynaa qaab shaqeedkeena si aan qayb kaga noqono horumarinta dhaqaalaha dalka. Waan soo dhaweynaynaa go’aankan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here