Moqdisho (Saxilnews):- Dowladda Soomaaliya ayaa amartay in muddo bil guddaheed ah lagu albaabada loogu soo laabo safaarada Soomaaliya ee magaalada Sanca, sidda uu warbaahinta u sheegay qunsulka safaarada Cismaan Axmed Max’ed.
Dawlada Somaliya Oo Amertay In Albaabada Loo Soo Laabo Mid Ka Mid Ah Safaaradaha Ay Dibada Ku Leedahay
Wasaarrada arrimaha dibada Soomaaliya ayaa qoraal ay soo saartay ku amartay in sidda ugu dhaqsiyaha badan loo xidho safaarada Soomaaliya magaalada Sanca ee dalka Yaman.
“Shaqda safaarada waxaa ka mid ahaa daadgureynta dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka Yaman oo ay saameynta ku yeesheen dagaallada halkaa ka socda, waxaa naloo soo dirray warqad nooga timid wasaarrada arrimaha dibada Soomaaliya oo lagu amrayo in muddo bil gudaheed ah lagu xidho safaarada”ayuu yidhi qunsulka ahna sii hayaha safaarada Cismaan Axmed Max’ed.
Sababta ugu weyn ee albaabada loogu laabayo safaarada ayuu sheegay qunsulka in ay tahay dowladda Soomaaliya oo taageertay dowladda sharciga ah ee ka jirta dalka Yaman, siddaa daraadeed aysan suurtagal aheyn in saafaradu ka sii furnaato magaalada Sanca oo ay maamulaan xuutiyiinta ku kacsan dowladda dalkaasi Yaman.
”Xidhnaashaha safaarada Soomaaliya ee Sanca waxaa ay keeni kartaa dhibaato weyn oo soo food saarta dadka Soomaalida ah ee dalkaasi ku dhaqan” ayuu hadalkiisa raaciyay qunsulka.
Ugu danbeyntii, dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan cambaareysay gantaal xuutiyiinta Yaman ay ku rideen magaalada barakeysan ee Makka Al-mukarama ee dalka Saudi Arabia.