Dawlada Somaliland Oo Kharashaadkii Uu Ku Safraayey Ka Joojisay Wasiirka Arimaha Debeda Iyo Sababta Keentay

0
23

Hargaysa (Saxilnews.com)-Xukuumada Somaliland ayaa mudooyinkii ugu danbeeyey waxaa ay aad hoosu dhigtay kharashaadkii uu safarada dibada ugu bixi jiray Wasiirka arimaha dibada Somaliland Sacad Cali Shire , waxaana sida la sheegay laga joojiyey Sub- Heads-kii uu ku adeegsanaayey socdaalada kadis ka ah ee uu ku raadinaayey ictiraafka Somaliland iyo hawlaha kale ee wasaarada arimaha dibada .


Arintan ayaa waxaa ay sabab u noqotey in wasiirku uu xafiiska Hargeysa iskaga dhex sugnaado .

Warar xog ogaal ah oo uu wargeysa Foore helay ayaa waxaa ay shaaca ka qaadeen in arintani ay saameysay guud ahaan safaradii uu wasiirku ku gaalo bixin jiray waddamo badan oo Somaliland la laheyd xidhiidh dhaw  kaddib markii sida la sheegay ay meesha ka baxday lacag uu cadadkeedu badnaa oo Akowno gaar ah lagu shubi jiray oo loogu talo galay in wasaaradu safarada dibada iska dabarto , waxaana gabi ahaanba istaagay safaradii uu sida isdabo jooga ah uu ugu bixi jiray Wasiir Sacad Cali Shire

Source:- Foore

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here